Trump: Israa'iil waxay luminaysaa taageerada bulshada caalamka

Image
Hadalka Trump ayaa imaanaya xilli maamulka Israa’iil ay ku hanjabeen in ay galayaan Rafah.

Washington (GO) - Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa ka digay in Israa’iil ay luminayso taageerada bulshada caalamka, sababo la xiriira dagaalka ay ku hayso Qasa, wuxuuna ugu baaqay inay soo afjarto suulaanka.

Trump ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay wargeyska “Israel Today" inuu uga jawaabi lahaa Weerarkii Xamaas ee 7-dii October si la mid ah sidii Israa’iil, balse Wuxu ka xumaaday in Shucuubta Caalamka aysan ka hadlin weerarkii 7dii Oct balse ay haatan hadal hayaan dagaalka Israa'iil iyo duqeymaha ay ka geysanayso Qasa.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa sidoo kale jeediyay wax u muuqday dhaleeceyn ku aadan dacaayadda warbaahinta Israa’iil, wuxuuna sheegay in Israa’iil ay gashay qalad aad u weyn markii ay daabacday muuqaalada duqeymaha ay ka gaysaneyso Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM