Trump iyo Xasan Ruuxaani oo lagu wado in ay kulmaan

Image

BIARRITZ, France - Waxyaalaha ugu waaweyn oo ka soo baxay kulankii wadamada dhaqaalaha ku horeeeya G7 ayaa noqdey in laga hadlo mustaqbalka xiriirka u dhexeyn doona Mareykanka iyo Iran.

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa inta uu ku sugnaa wadanka Faransiiska shirka G7 waxaa uu sheegey inuu diyaar u yahay la kulanka dhigiisa Iran, Xasan Ruuxaan.

Donald Trump ayaa balan qaadey inuu deyn lacageed siin doono dalkaas cunaqabateynta adag saaran tahay si ay uga gudbaan dhibaatooyinka dhaqaale ee haysta.

Madaxweynaha, Faransiiska Emmanuel Macron ayaa xusey inuu isku dayayo inuu kulan isugu keeno labada dhinac asbuucyada soo socda si hoos loogu dhigo khilaafka u dhexeeya Washington iyo Tehran.

Kulankaas hadii uu qabsoomo ayaa waxaa uu noqonayaa midkii ugu horeeyey ee dhexmara labada dhinac tan iyo intii uu dhacey afduubkii 1979.

Khilaafka Iran iyo Mareykanka ayaa kor u karaar-qaatay markii Trump uu daaqada ka saarey heshiiskii caalamiga Nukliyeerka ee 2015 kadibna dib u soo celiyey cunaqbateyn saarneyd wadankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga: Israel waxay raadinaysaa fursad ay ku weerarto Iran

Wasiirka ayaa intaa ku daray inuu si toos ah uga muujiyey walaacyada uu qabo mas’uuliyiinta Iiraan intii uu booqasho ku joogay dalkaas.

  • Caalamka

    24-01-2026

  • 10:41AM

Trump oo ka laabtay casuumaaddii Canada ee “Guddiga Nabadda” kadib hadalkii Carney ee Davos

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ka-qeybgalkeedu ku xaddidan yahay oo kaliya…

  • Caalamka

    23-01-2026

  • 01:05PM