Trump oo cafis u fidiyey askari dilay maxbuus u dhashay Ciraaq

Image

WASHINGTON, US – Madaxweyne Donald Trump ayaa Axadii cafis u fidiyey laba xidigle ka tirsanaa milatariga Mareykanka, oo 2009-kii xabsi loogu xukumay dilka maxbuus reer Ciraaq ah, sida uu shaaciyey Aqalka Cad.

Sarah Sanders, xoghayaha dhinaca warbaahinta ee Guriga looga arrimiyo Mareykanka, ayaa sheegtay in Michael Behenna oo kasoo jeeda gobolka Oklahoma uu heli doono saamixaad buuxda.

Sidda ku cad war-saxaafadeed, Sanders ayaa sheegtay in Behenna ayaa 25-sano oo xabsi ah waxay maxkamad ugu xukuntay "si aan la aqbali karin" isaga oo ku sugan aag dagaal, balse kiiska uu ku lug-yeeshay.

"Kadib xukunka, sikastaba, maxkamada racfaanka ugu sareysa ciidanka Mareykanka waxay walaac ka muujisay sida xukunkaasi loogu riday Mr. Behenna oo sheegtay in uu is-difaacayey," ayay Sanders ku tiri bayaanka.

Guddiga Siideynta Ciidamada oo ka qafiifiyey askariga xukunka xabsiga ah ayaa uga dhigay 15-sano kuwaasi oo qaar kamida uu qaatay, isaga oo ay haatan uga harsan tahay Shan sano.

Behenna ayaa Ciraaq loo daabulay 2007-dii. Sanad kadib tegitaankiisa wadankaasi Carbeed, laba askari iyo saaxiibada Behenna ayaa lagu dilay qarax Miino xili uu isaga goobta ku sugnaa, sida uu waramayo Washington Post.

Kadib weerarkaasi, warar dhinaca sirdoonka ah oo soo baxay ayaa sheegay in Cali Mansuur uu ka qayb qaatay qaraxaasi. Mansuur ayaa waxaa su'aalo waydiiyey ciidanka Mareykanka, inkasta oo aan caddeymo loo hayn.

Bil kadib, Behenna, ayaa si iskiis ah u su'aallay Mansuur isaga oo aan haysan ogolaanshiyo. Arrimaha layaabka leh ee uu ku sameeyay waxaa kamida "waa uu qaawiyey kahor inta uusan laba jeer toogan".

Behenna wuxuu ka tegay meydka isaga oo aan cidna ku war-gelin. Maalintii xigtay Booliska Ciraaq ayaa soo helay meydka Mansuur, sida laga soo xigtay majaladaasi kasoo baxday gudaha Mareykanka.

Tan iyo xilligaasi, xukunsane Behenna ayaa jilayey in uu nafsadiisa difaacayey, isaga oo sameeyay waxaasi oo idil oo dambi ah, sida ay warisay jaraa'idkaasi.

Xeer-ilaalinta maxkamada milatariga ayaa sanadkii 2009-kii u sheegay xeer-beegtada in ay aaminsan yihiin in Behenna uu u dilay Mansuur si uu ugu aargudado saaxiibadiis.

Sikastaba, Aqalka Cad oo u muuqda mid dambiyadaasi ka bari yeelaya Behenna ayaa ku tilmaamay "Maxbuux ku dayasho mudan" kaasi oo ay u gurmadeen mas'uuliyiinta laga soo doorto Oklahoma.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkey: 76 qof oo ku dhintay dab ka kacay hotel

Goobtan dalxiiska ayaa ku taal meel sare oo buur ah oo qiyaastii 170 kilomitir (100 mayl) waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Ankara.

  • Caalamka

    22-01-2025

  • 05:03AM

Dad badan oo ku dhintay Dab Ka Kacay Hoteel Ku Yaalla Turkey

Dabka ayaa ka bilowday qiyaastii 3:30 subaxnimo qaybta makhaayadda ee hoteelka, waxaana la baarayaa sababta dabka ka dambeysa.

  • Caalamka

    21-01-2025

  • 02:32PM