Trump oo dib u dhigay duqeymo lagu qorsheeyay xarumaha tamarta Iran

Image

WASHINGTON – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu dib u dhigay weerarro militari oo lagu qorsheeyay xarumaha korontada iyo kaabayaasha tamarta ee Iran muddo shan maalmood ah, kadib wadahadallo uu ku tilmaamay “kuwa wanaagsan oo wax ku ool ah” oo dhex maray Washington iyo Tehran.

Trump ayaa fariin uu ku daabacay bartiisa Truth Social ku sheegay in labada dhinac ay laba maalmood oo xiriir ah yeesheen wadahadallo ku saabsan xal buuxa oo laga gaaro xiisadda Bariga Dhexe.

“Waxaan faray wasaaradda dagaalka inay dib u dhigto weerarrada militari ee ka dhanka ah xarumaha korontada Iran muddo shan maalmood ah, iyadoo lagu xiran yahay sida ay u socdaan wadahadallada iyo kulamada,” ayuu yiri Trump.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Trump uu Sabtidii siiyay Iran 48 saacadood si ay dib ugu furto marinka muhiimka ah ee Strait of Hormuz, isaga oo uga digay in haddii kale Mareykanku burburin doono xarumaha korontada dalkaasi.

Iran ayaa hore u sheegtay inay gabi ahaanba xireyso marinkaasi, oo ah marin ay maraan ku dhawaad shan meelood meel saliidda dunida, taasoo keentay sare u kac ku yimid qiimaha shidaalka caalamka iyo yaraanta gaaska cuntada lagu karsado ee dalal badan oo Aasiya ah.

Agaasimaha International Energy Agency, Fatih Birol, ayaa Isniintii ka digay in xaaladda Bariga Dhexe ay tahay mid “aad u adag” isla markaana ka sii daran labadii qalalaase ee tamarta ee dhacay 1970-meeyadii.

Dhanka kale, Islamic Revolutionary Guard Corps ayaa uga digay Washington in haddii ay weerarto, Iran ay beegsan doonto xarumaha korontada ee bixiya adeegyada saldhigyada Mareykanka, iyo sidoo kale kaabayaasha dhaqaale iyo tamareed ee ay Mareykanku saamiga ku leeyihiin.

Sidoo kale, Golaha Difaaca Iran ayaa sheegay in weerar kasta oo lagu qaado xeebaha koonfureed ama jasiiradaha dalkaasi uu keeni doono in miinooyin badeed la dhigo, taasoo goyn karta marinada maraakiibta ee Khaliijka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Diyaariyay Qorshaha Duullaanka Dhulka ee Iran

Dhanka kale, kumanaan askari oo ka tirsan Marines-ka Mareykanka iyo ciidamada badda ayaa loo dirayaa gobolka.

  • Caalamka

    22-03-2026

  • 07:39AM

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM