Trump Oo Farageliyey: FIFA Oo U Fasaxday Cayaaryahan Horey Loo Siiyey Kaarka Cas

Image

Kooxda Mareykanka ayaa wajahaysa dood weyn oo hareysay Koobka Adduunka kadib markii FIFA ay hakisay ganaaxii hal kulan ee weeraryahanka Folarin Balogun, taasoo u oggolaanaysa inuu ciyaaro kulanka wareegga 16-ka ee Belgium.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ilo xog-ogaal ah ay sheegeen in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu la xiriiray Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, isaga oo codsaday in dib loo eego casaankii Balogun loo taagay kulankii Bosnia iyo Herzegovina.

Balogun ayaa kulankaas dhaliyey goolkiisii saddexaad ee tartanka, balse waxaa lagu siiyey kaarka cas kadib markii VAR dib u eegtay qalad uu kula kacay Tarik Muharemovic. Tababaraha Mareykanka, Mauricio Pochettino, ayaa ku dooday in qaladkaasi aanu mudnayn kaarka cas.

FIFA ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in go’aanka lagu saleeyey Qodobka 27-aad ee Xeerka Anshaxa FIFA, kaas oo u oggolaanaya guddiyada garsoorka inay hakiyaan fulinta ganaaxyo anshaxeed xaalado gaar ah. Hay’adda ayaan faahfaahin ka bixin sababta kiiskan loo adeegsaday qodobkaas, sidoo kalena kama aysan jawaabin su’aalo laga weydiiyey xiriirka la sheegay inuu dhexmaray Trump iyo Infantino.

Maxaa uu dhigaya Qodobka 27-aad?

  • FIFA waxay awood u leedahay inay hakiso fulinta ganaax anshaxeed, iyadoo ganaaxa laftiisu uu weli sii jiro.
  • Ciyaaryahanka waxaa la gelinayaa muddo tijaabo u dhexeysa hal ilaa afar sano.
  • Haddii muddadaas uu galo qalad kale oo la mid ah kii hore, ganaaxii hakadka lagu jiray ayaa si toos ah dib loogu dhaqan gelinayaa, waxaana u dheer ganaax kasta oo cusub.
  • Qodobkan looma adeegsan karo kiisaska la xiriira musuqmaasuqa ama natiijooyinka ciyaaraha oo la farageliyo.
  • Guddiga Anshaxa FIFA, oo uu hadda guddoomiye ka yahay Mohammad Al Kamali oo u dhashay Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa go’aannadiisa ku gaara ugu yaraan saddex xubnood.

Go’aanka FIFA ayaa si weyn u qabsaday warbaahinta caalamka, waxaana ka dhashay dood ku saabsan madax-bannaanida hay’adda kubadda cagta adduunka iyo suurtagalnimada in saameyn siyaasadeed ay door ku yeelatay go’aanka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dagaallo Dib Uga Qarxay Galbeedka Yemen, 16 Askari oo Dowladda ka Tirsan oo La Dilay

Inkastoo heshiis xabbad-joojin ah oo ay Qaramada Midoobay dhexdhexaadisay la gaaray sanadkii 2022 uu hakiyay dagaalladii waaweynaa.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 05:21AM

Safaaradda Iran oo si adag uga jawaabtay hadalkii Trump ee ku saabsanaa aaska Khamenei

Trump ayaa sheegay inuu awood u lahaa inuu beegsado dhammaan dadkii ka qaybgalayay…

  • Caalamka

    05-07-2026

  • 03:29AM