Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Image

WASHINGTON – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hakiyay duqeymihii cirka ee Mareykanku ka waday Iran habeenkii saddexaad oo xiriir ah, si loo siiyo fursad dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu dejiyo colaadda sii xoogeysaneysa, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah. 

Go'aanka ayaa yimid kaddib markii taliyeyaasha sare ee militariga ay Trump uga digeen in ololaha duqeymaha uu gaaray heerkii ugu waxtarka badnaa, isla markaana keydka hubka iyo rasaasta muhiimka ah uu sii yaraanayo. Madaxweyne ku-xigeenka JD Vance ayaa sidoo kale la sheegay inuu taageeray in mudnaan la siiyo xal diblomaasiyadeed.

Sida wararku sheegayaan, Iran ayaa iyaduna hakisay weerarradii aargudashada ahaa, iyadoo dhexdhexaadiyeyaal ay ka mid yihiin Cumaan ay sii wadaan dadaallada lagu doonayo in dib loo furo marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz, oo muhiim u ah ganacsiga shidaalka caalamka.

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump, iyadoo la filayo inay ka wada hadlaan mustaqbalka ololaha milatari iyo dadaallada diblomaasiyadeed ee la xiriira Iran.

Wararka ayaa tilmaamaya inuu jiro kala aragti duwanaansho u dhexeeya labada hoggaamiye, iyadoo Netanyahu uu doonayo in cadaadis milatari la sii wado halka Trump uu doorbidayo in wada-hadallada la siiyo fursad.

Inkasta oo duqeymaha la hakiyay, Aqalka Cad ayaa sheegay in Mareykanku uu weli diyaar u yahay inuu dib u bilaabo weerarrada haddii wada-hadalladu guuldareystaan ama Iran ay diido inay si dhab ah uga qayb gasho xal diblomaasiyadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagal Cabdi-Wali oo ku Guuleysatay Kursigii Baarlamaanka ee Keir Starmer

Sagal Cabdi-Wali ayaa si aqlabiyad leh uga guuleysatay hoggaamiyaha Xisbiga….

  • Caalamka

    09-10-2026

  • 05:45AM

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM