Trump oo Hanjabaad Culus u Diray Iran xilli ay diiday Wadahadalka Pakistan

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay inuu filayo inay billowdaan duqaymo ka dhan ah dalka Iran maalmaha soo socda, haddii aan xal laga gaarin kordhinta xabbad-joojinta u dhaxaysa labada dhinac oo ku eg maalinta Arbacada.

Trump oo la hadlayay taleefishinka CNBC ayaa sheegay inuu doorbidayo in ciidanku diyaar ahaadaan, isagoo yiri: "Waxaan filayaa inaan fulino duqaymo, waayo waxaan aaminsanahay inay taasi tahay mowqifka ugu wanaagsan ee lagu gali karo xaaladdan haddii heshiis la gaari waayo." Wuxuu intaas ku daray in ciidanka Maraykanku ay yihiin kuwo tayo leh, diyaarna u yihiin inay tallaabo qaadaan.

Inkastoo hanjabaaddu jirto, Trump ayaa dhinaca kale rajo ka muujiyay in heshiis la gaari karo, isagoo xusay inay jiraan wadahadallo hoose oo meel wanaagsan maraya.

Dowladda Pakistan ayaa isu diyaarinaysa inay martigeliso wareeg cusub oo wadahadal ah, kaas oo la filayo inay ka qaybgalaan Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka, JD Vance, iyo mas'uuliyiin kale oo sarsare.

Hase yeeshee, dowladda Iran ayaan weli xaqiijin ka qaybgalkeeda, waxayna aad uga caraysan tahay go'doominta lagu hayo xeebaheeda iyo markab dhowaan looga qabtay badda.

Mohammed Bagher Qalibaf, oo ah madaxa gorgortanka Iran, ayaa si cad u diiday hanjabaadda Trump, isagoo barta X ku qoray: "Ma aqbalayno wadahadal lagu gelayo hooska hanjabaadda." Wuxuu kaloo sheegay in Iran ay diyaar u tahay inay muujiso awoodeeda dhabta ah haddii ay dagaal timaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheikh Hasina oo sheegtay inay dib ugu laaban doonto Bangladesh xili inkastoo lagu xukumay dil

Waxay sheegtay inay diyaar u tahay in la xiro ama xitaa la dilo marka ay dalka ku laabato.

  • Caalamka

    10-07-2026

  • 12:38PM

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM