Trump oo Netanyahu Ku Tilmaamay Qof Waalan Kadib Weerarrada Israa’iil ee Lubnaan

Image

Washington/Tel Aviv – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si aan caadi ahayn uga carooday Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu kadib markii Israa’iil ay ballaarisay howlgalladeeda militari ee Lubnaan, sida ay qortay Axios oo soo xiganeysa saraakiil Mareykan ah iyo ilo xog ogaal ah oo la socday wada hadal dhex maray labada hoggaamiye.

Wararka ayaa sheegaya in Trump uu Netanyahu ku eedeeyay inuu xaaladda sii hurinayo, isagoo uga digay in weerar lagu qaado caasimadda Lubnaan ee Beirut uu sii kordhin doono go’doominta caalamiga ah ee Israa’iil.

Intii uu socday wada hadalka, Trump ayaa la sheegay inuu si kulul ula hadlay Netanyahu. Sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah, Trump ayaa ku yiri: “Waad waalatay. Haddii aadan aniga i haysan maanta xabsi ayaad ku jiri lahayd. Waxaan isku dayayaa inaan kaa badbaadiyo xaaladdan, laakiin dunidu hadda way ka sii jeedsatey Israa’iil.” Ilo kale ayaa sheegay inuu mar kale si caro leh ugu qeyliyay Netanyahu isagoo weydiinaya: “Maxaad sameyneysaa?”

Ilo Mareykan ah ayaa sheegay in Trump uu dareemayay in tallaabooyinka Israa’iil ay khatar ku yihiin wada xaajoodyada xasaasiga ah ee u socda Mareykanka iyo Iiraan, kuwaas oo maalmahan si xawli leh u socday.

Sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka, Trump wuxuu aaminsanaa in Israa’iil ay xaq u leedahay inay iska difaacdo weerarrada Xisbullah, balse uu u arkayay in Netanyahu uu xaaladda si aan dheellitirneyn u sii hurinayo. Waxa kale oo uu walaac ka muujiyay khasaaraha shacabka ee ka dhashay duqeymaha Israa’iil iyo burburinta dhismayaal dhan si loo beegsado hal taliye oo ka tirsan Xisbullah.

Kadib wada hadalka labada dhinac, ilo Israa’iili ah ayaa sheegay in qorshe lagu weerari lahaa bartilmaameedyo ku yaalla magaalada Beirut la hakiyay.

Xiisadda u dhexeysa Trump iyo Netanyahu ma ahan mid cusub, hase yeeshee ilo Mareykan ah ayaa sheegay in wada hadalkan uu ahaa mid ka mid ah kuwii ugu adkaa ee dhex mara tan iyo markii Trump dib ugu soo laabtay Aqalka Cad.

Dhanka kale, Netanyahu ayaa war uu soo saaray ku sheegay inuu Trump u caddeeyay in Israa’iil ay sii wadi doonto weerarrada ka dhanka ah Xisbullah haddii kooxdaasi aysan joojin gantaallada ay ku weerarayso Israa’iil.

Arrintan ayaa muujineysa khilaaf muuqda oo soo kala dhex galay labada xulafada ah xilli gobolka Bariga Dhexe uu wajahayo xiisado amni iyo siyaasadeed oo sii kordhaya, halka dadaallada lagu doonayo heshiis u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ay wajahayaan caqabado cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo sheegay in Israa’iil la shaqeyn doonaan Haddii Ay Aqoonsato Dowladda Falastiin

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli Turkigu isu diyaarinayo martigelinta shir ay yeelan doonaan dalalka xubnaha ka ah NATO bisha July.

  • Caalamka

    31-05-2026

  • 01:57PM

Netanyahu oo shir amni oo degdeg ah isugu yeeray kadib gantallo lagu garaacay waqooyiga Israa’iil

Telefishinka Channel 13 ayaa sheegay in Netanyahu uu kulanka degdegga ah la yeelan doono Wasiirka Difaaca Israel Katz.

  • Caalamka

    31-05-2026

  • 07:02AM