Turkiga oo askar looga dilay weerar ka dhacay Syria

Image

ANKARA, Turkey - Laba askari oo Turki ah ayaa lagu dilay laba kalena waa lagu dhaawacay markii waqooyiga Suuriya lagu weeraray gaari gaashaaman oo ay la socdeen, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca Turkiga Sabtida maanta ah.

Wasaaradda ayaa tibaaxdey in ciidamada Turkiga ay durbadiiba bilaabeen rasaas aargudasho ah. "Dabkeenii ciqaabta ahaa ee ka dhanka ahaa fariisimaha argagixisada ayaa sii socda," ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in weerarka uu ka dhacay gobolkii uu Turkigu ka bilaabay hawlgalka xuduudaha, "Euphrates Shield", sanadkii 2016 si uu uga saaro dagaalyahanada ISIL (ISIS) iyo Falaagada Ilaalinta Dadka Kurdiyiinta Suuriya (YPG).

Ankara ayaa u aqoonsan YPG, oo xulafo la ah Xoogagga Dimuqraadiga Suuriya iyo Kurdiyiinta (SDF), koox "argagixiso" ah oo xiriir la leh Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK), oo ah midowga gooni-u-goosadka Kurdiyiinta ku dhaqan dalkaTurkiga.

Warbaahinta ayaa sheegtay in weerarka Sabtida maanta ah uu ka dhacay aagga al-Bab, magaalo qeyb ka ah dhulka Turkiga ka maamulo Suuriya. Hawlgalka wuxuu ka sii socday gobolka.

PKK oo weeraro dhiig badan ku qaatay ka fulisay gudaha waddanka Turkiga iyo qaybo kamid ah Suuriya iyo Ciraaq ayaa sidoo kale waxaa koox argagixiso ah u aqoonsan Mareykanka iyo Midowga Yurub.

Wasaaradda ayaa sheegtay 25-kii Luulyo in ciidamada amniga ee Turkiga ay “khaarijiyeen toddobo argagixiso oo ku sugnaa waqooyiga waddanka Suuriya".

Tan iyo 2016, Turkiga wuxuu bilaabay seddex hawlgal oo ah la dagaalanka argagaxisada kasoo gudubta xadka dhinaca waqooyiga Siiriya si looga hortago loona abuuro xasilooni. Euphrates Shield (2016), Olive Branch (2018), Peace iyo Guga (2019).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM

Xaaladda Telefoonnada Dahabka ah ee Trump: Dadkii Lacagta bixiyay oo weli sugaya

Aanay ka dhignayn heshiis iib oo dhammaystiran ama ballanqaad ah in qofka loo soo rari doono qalabkaas.

  • Caalamka

    12-05-2026

  • 11:49AM