Turkiga oo bakhtiyaa-nasiib ka helay kooxda Taliban

Image

ANKARA, Turkey — Taalibaan ayaa ka dalbatay Turkiga kaalmo farsamo oo ay ku maamulaan garoonka diyaaradaha ee Kabul kadib marka ay baxaan ciidamada shisheeye.

Hase ahaatee, kooxda hubeysan ayaa ku adkaysaneysa in milatariga Ankara ay sidoo kale si buuxda uga baxaan Afghanistan dhammaadka bishan Ogosto, sanadka 2021.

Sarkaal Turki ah ayaa xaqiijiyey codsiga ay shuruuddu ku xiran tahay ee Taalibaan kaasoo imaanaya kadib markii ay dib ugu soo noqday awoodda Afgaanistaan 20 sano kadib markii uu dhammaaday duulaankii Mareykanka.

Xukuumadda Ankara ayaa aad uga baaraan-degaysa go'aan adag oo ku saabsan inay aqbasho shaqada halista ah haddii aysan ciidankeedu Afghanistan sii joogi doonin.

Turkey ayaa qeyb ka ahaa hawlgalka NATO ee Afghanistan. Wali garoonka diyaaradaha ee Kabul waxaa ku sugan boqolaal askari. Saraakiil waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay wakhti kooban uga baxaan Afghanistan.

Maamulka madaxweyne Tayyib Erdogan ayaa hore u sheegtay muddo bilo ah inay joogi karto garoonka haddii laga codsado, waxaana Turkigu uu kaalmo farsamo iyo mid amniba ku taageeray garoonka diyaaradaha kadib markii Taalibaan ay gacanta ku dhigtay dalkaas.

"Taalibaan waxay codsatay taageero farsamo si ay u maamulaan garoonka diyaaradaha ee Kabul," ayuu yiri sarkaal sare oo Turki ah, isagoo raaciyay "Si kastaba ha ahaatee in Taalibaan ay dalbato in dhammaan ciidamada Turkiga ay baxaan waxay adkayn doontaa hawl kasta oo fulin u baahan"

Ankara ayaa ammaantay waxa ay ku tilmaamtey hadallada dhexdhexaadka ah ee Taliban tan iyo markii ay qabsadeen Kabul, waxayna sheegtay inay u furan tahay inay la shaqeyso marka dowlad cusub la dhiso.

Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa Talaadadii xusay in kooxdu ay xiriir fiican la yeelatay Ankara. Ma jiro war rasmi ah oo illaa haatan Taalibaan kasoo saartey dalabkan.

GO + Reuters + VOA

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM