​Turkiga oo duqeeyay saldhigyada PKK

Image

Ciidanka Cirka ee dalka Turkiga ayaa weerar ku qaaday fallaagada Kurdiyiinta ah ee Woqooyiga Ciraaq ku sugan. Weerarka ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 67, sida militariga laga soo xigtay.

Weerarkan oo dhacay 9kii bishan ayaa loo adeegsaday 14 dayuuradood oo ah nooca dagaalka ee F-16 iyo F-4. Dayuuradaha ayaa beegsaday xeryo, hub meelo ku keydsanaa iyo dhismayaal kale uu leeyahay Xisbgia Shaqaalaha Kurdiga ee PKK ee dawladda Turkiga mucaaradka ku ah.

Militariga ayaa sheegay in weeraradu ay bartilmaameedsadeen shan goobood oo kala ah; Qandil, Metina, Avasin, Haftanin iyo Baysan.

Ciidanka Cirka ee Turkiga ayaa weeraro ku qaadayey goobaha uu ururka PKK kaga sugan yahay woqooyiga Ciraaqa ilaa bishii July, xiligaas oo ah markii uu guuldareystay dadaalkii nabadeed ee u dhexeeyey dawladda iyo falaagada.

Dawladda Turkiga iyo xulufadeeda reer Galbeedka ayaa ururka PKK u aqoonsan urur argagixiso. Kooxdan ayaa sheegtay inay u dagaalamayso ismaamul hoosaas balaaran iyo in dadka Kurdiga ah la siiyo xuquuqo dheeraad ah.

VOA

Related Articles

Hoggaanka Pakistan oo soo gebagebeeyay safar xal loogu raadinayo dagaalka Bariga Dhexe

Dadaalladan ayaa imanaya xilli cadaadis xooggan uu ka dhashay xiritaanka mar kale ee Marinka Hormuz.

  • Caalamka

    18-04-2026

  • 11:46AM

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM