​Turkiga oo duqeeyay saldhigyada PKK

Image

Ciidanka Cirka ee dalka Turkiga ayaa weerar ku qaaday fallaagada Kurdiyiinta ah ee Woqooyiga Ciraaq ku sugan. Weerarka ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 67, sida militariga laga soo xigtay.

Weerarkan oo dhacay 9kii bishan ayaa loo adeegsaday 14 dayuuradood oo ah nooca dagaalka ee F-16 iyo F-4. Dayuuradaha ayaa beegsaday xeryo, hub meelo ku keydsanaa iyo dhismayaal kale uu leeyahay Xisbgia Shaqaalaha Kurdiga ee PKK ee dawladda Turkiga mucaaradka ku ah.

Militariga ayaa sheegay in weeraradu ay bartilmaameedsadeen shan goobood oo kala ah; Qandil, Metina, Avasin, Haftanin iyo Baysan.

Ciidanka Cirka ee Turkiga ayaa weeraro ku qaadayey goobaha uu ururka PKK kaga sugan yahay woqooyiga Ciraaqa ilaa bishii July, xiligaas oo ah markii uu guuldareystay dadaalkii nabadeed ee u dhexeeyey dawladda iyo falaagada.

Dawladda Turkiga iyo xulufadeeda reer Galbeedka ayaa ururka PKK u aqoonsan urur argagixiso. Kooxdan ayaa sheegtay inay u dagaalamayso ismaamul hoosaas balaaran iyo in dadka Kurdiga ah la siiyo xuquuqo dheeraad ah.

VOA

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM