Turkiga oo Gantaaladda Patriot ee Mareykanka Rakibtay si uu uga Gaashaanto Khatarta Iran

Image

ANKARA – Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Turkiga ayaa ku dhawaaqday in mid ka mid ah nidaamyada difaaca hawada ee Patriot-ka Mareykanka la geeyay gobolka Malatya ee koonfur bari dalkaas kadib weeraro uga yimid dhinaca Iran.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo gaashaanbuurta NATO ay ku xoojinayso difaaca hawada ee xulafadeeda, xilli ay kordheen khataraha gantaalaha ee ka dhashay dagaalka u dhexeeya isbaheysiga Mareykanka-Israa'iil iyo dalka Iiraan.

Gobolka Malatya waxaa ku yaalla saldhigga raadaarka ee Kurecik, kaas oo ah xarun muhiim u ah isbaheysiga NATO. Raadaarkan ayaa bixiya xogta lagama maarmaanka u ah aqoonsiga gantaalaha, wuxuuna dhowaan gacan ka geystay in la ogaado labo gantaal oo ah nooca riddada dheer (ballistic missiles) oo Iiraan ay ku soo riday jihada Turkiga, kuwaas oo markii dambe la dhex qabtay.

Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Turkigu uu sii wadayo iskaashiga uu la leeyahay xulafadiisa NATO, isagoo si joogto ah u qiimeynaya isbeddellada ammaan ee ka socda gobolka. Sidoo kale, wasaaraddu waxay caddeysay in tallaabadan loogu talagalay in lagu xaqiijiyo badqabka xudduudaha iyo hawada Turkiga, iyadoo la raacayo go'aannada difaaca wadajirka ah ee isbaheysiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM