Turkiga oo howlgal militari ka bilaabi doona gudaha Ciraaq

Image
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa booqasho ku tagi doona Ciraaq si loo dardargeliyo howlgalka.

Ankara (GO) - Wargeyska Hürriyet ayaa sheegay in ciidamada Turkiga ay qaadi doonaan howlgal dhulka ah oo ka dhan ah xubnaha xisbiga shaqaalaha Kurdistan dib booqashada madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee Ciraaq.

Sida wargeysku sheegay, booqashada Erdogan ee Ciraaq ayaa lagu wadaa inay dhacdo maalinta Isniinta ah. Ciidamada qalabka sida ee Turkiga ayaa filaya in bilaha xagaaga ay howlgal militari oo ballaaran oo dhanka dhulka ah ka sameeyaan waqooyiga Ciraaq kaasoo ka dhan ah kooxda PKK.

Erdogan ayaa marar badan sheegay in Ankara ay rajaynayso in ay dhawaan xalliiso xiisada amni ee ka taagan xuduuda ay Ciraaq la leedahay.

Dhinaca Turkiga ayaa sidoo kale doonaya in la sameeyo marin amni ah oo 30 ilaa 40 kiiloomitir ku jira gudaha Suuriya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM