Turkiga oo mowqif cad ka qaatay xaalada Afghanistan

Image
Erdogan ayaa sidoo kale wuxuu iclaamiyey masiirka howlgalka diblumaasiyadeed ee xukuumada Ankara ee Kabul.

ANKARA, Turkey - Safaaradda Turkiga ee Kabul ayaa dib ugu soo laabatay dhismeheedii magaalada waxayna Ankara sii wadeysaa joogitaankeeda diblomaasiyadeed ee Afgaanistaan, sida uu sheegay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Wadamada NATO ayaa ka soo baxaya howlgalladoodii diblomaasiyadeed ee Afghanistan kadib guushii Taliban laba toddobaad ka hor. Turkigu wuxuu ka daadgureeyay Afghanistan dad rayid ah iyo ciidammo marka laga reebo "koox farsamo ah".

Wareysi uu siiyay warbaahinta Turkiga xilli uu ka soo laabanayey Montenegro Axaddii, ayuu Erdogan ku sheegay in safaaradda Turkiga ee Kabul ay u guurtay dhismeheeda magaalada ka dib markii ay ka shaqeyneysey garoonka diyaaradaha muddo laba toddobaad ah.

"Maalintii kale ayay ku noqdeen dhismaha safaaraddeenna oo ku taal badhtamaha magaalada waxayna halkan ka sii wadaan hawlahoodii," ayuu u sheegay telefishanka NTV.

Wuxuu ku daray: "Qorshahayagu hadda waa in aan sidan ku sii wadno joogitaankeenna diblomaasiyadeed. Waxaan si joogto ah u cusbooneysiineynaa qorshayaasheena iyadoo loo eegayo horumarka la xiriira xaaladda amniga".

Erodgan ayaa carabka ku adkeeyay in Turkiga uu soo dhaweynayo hadalada Taliban in ilaa iyo hadda ay yihiin “rajo wanaagsan” balse ay doonayaan inay arkaan ficilladooda.

In ka badan 100 qof ayaa ku dhimatay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Khamiistii ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha ee Kabul, oo ay ku jiraan 13 ka tirsan askarta Mareykanka.

Digniinaha cusub ee weeraro kale ayaa carqaladeeyay dadaalladii daadguraynta ee ay dusha kala socdeen ciidamada Mareykanka. Biden wuxuu ka digay weerar kale oo lagu qaado diyaaradda xammuulka ah "ay tahay mid u badan tahay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ingiriiska oo joojiyay xiriirka ganacsiga Israel markii ay gargaarka u diiday Gaza

Britain ayaa sidoo kale cunaqabateyn cusub ku soo rogtay dad iyo kooxo samaynaya rabshado ka dhan ah Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed. 

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 02:48PM

Trump: Wadahadal “si aad ah u fiicnaa” baan Putin kala yeeshay Xabad-joojinta Ukraine 

Sidoo kale, Trump ayaa sheegay in Vatican-ka, oo uu matalayo Papa, uu muujiyay xiisaha uu u qabo martigelinta wadahadalada.

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 05:21AM