Turkiga oo sheegay in Israa’iil la shaqeyn doonaan Haddii Ay Aqoonsato Dowladda Falastiin

Image

ANKARA, Turkiga — Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in Israa’iil ay mustaqbalka ku biiri karto madal iskaashi iyo amni oo ay ku mideysan yihiin dalal ka tirsan Bariga Dhexe haddii ay aqoonsato dowlad madax-bannaan oo Falastiiniyiintu leeyihiin, kuna dhisan xuduudihii 1967.

Wareysi uu siiyay wargeyska Nikkei Asia, Fidan ayaa sheegay in xal siyaasadeed oo laga gaaro khilaafka Israa’iil iyo Falastiin uu furi karo waddo loo maro nidaam cusub oo gobolka ah, kaas oo ku dhisan wada-shaqeyn, amni iyo is-ixtiraam dhexmara dalalka gobolka.

Wuxuu sheegay in dalalka gobolka ay door ka qaadan karaan dammaanad-qaadka amniga Israa’iil haddii la gaaro heshiis waara oo ku saleysan mabda’a laba dowladood.

Sida uu sheegay wasiirku, madasha la qorsheynayo waxay ka koobnaan kartaa Turkiga, Pakistan, Sacuudiga, Masar iyo dalalka Khaliijka. Wuxuu intaa ku daray in Iran ay sidoo kale qayb ka noqon karto haddii xiisadaha gobolka ay yaraadaan.

"Dhammaan dalalka gobolka waa inay ixtiraamaan madaxbannaanida, amniga iyo dhuleednimada midba midka kale," ayuu yiri Fidan.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli Turkigu isu diyaarinayo martigelinta shir ay yeelan doonaan dalalka xubnaha ka ah NATO bisha July.

Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhowaan ku baaqay in dalal badan oo gobolka ah ay ku biiraan heshiisyada Abraham Accords, kuwaas oo lagu dhiirrigelinayo caadiyeynta xiriirka Israa’iil iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta.

Inkasta oo Ankara ay si joogto ah u dhaliisho siyaasadaha Israa’iil ee ku wajahan Falastiiniyiinta, Turkigu wuxuu ahaa dalkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee si rasmi ah u aqoonsada Israa’iil sanadkii 1949. Xiriirka labada dal ayaa tan iyo markaas soo maray marxalado iskaashi iyo khilaaf siyaasadeed oo kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles