Turkiga oo doonaya in ciidamo caalami ah loo diro Falastiin

Image

ANKARA, Turkey - Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayib Erdogan, ayaa ka dib wadahadalo telefoonka ah oo uu qadiyadda Falastiin kala yeeshay dhigiisa Ruushka, Vladimir Putin, wuxuu sheegay;

- In Ruushka, Turkiga ay ay hal bog ku diyaariyeen fariin aad u awood badan

- In Golaha Ammaanka UN-ka sameeyo faragelin si loo joojiyo weerarada Israel

 - In ay shaqeyso fikradda ah in ciidamo caalami ah la diro si ay u ilaaliyaan Falastiiniyiinta

Erdogan oo sidoo kale arrintan hor-dhigay hogaamiyeyaal kale ayaa wadda olole caalami ah kaasoo uu sheegayo in uu ku doonayo in Falastiin ay ku hesho taageero dibadda ah.

Dhanka kale,Madaxa dacwad-oogaha maxkamadda ICC, Fatou Bensouda, ayaa walaac ka muujisay kororka rabshadaha Daanta Galbeed ee la haysto, oo ay ku jirto Bariga Qudus, iyo sidoo kale Gaza.

Haweeneydan awooda badan oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay intaas ku dartay in ay dhici karaan "dambiyo" lamid ah dagaalkii Rome iyo kuwa ka dhasha Axdiga xasuuqa.

Geesta kale, Yahuuda ayaa  Arbacada maanta ah karaar-siisay duqeymaha xilli dhimashadda Gaza ay mareyso 35 ay ku jiraan 12 caruur ah. Geerida shan Israa'iil ah ayaa si lamid ah lasoo wariyey.

Isreal ayaa waxaa la xusay in ay Gaza ku rideen in ka badan 1,700 gantaal. Xamaas waxay ku goodisay in ay diyaarsan tahay haddii xaalada sii xumaato. Mareykanka ayaa lagu eedeeyay in uu la saftay Israa'iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM