Turkiga: Saraakiil sar-sare oo loo xiray dhaleeceynta dowladda

Image

ANKARA, Turkey – Masuuliyiinta Turkiga ayaa Isniintii xiray 10 Admiral oo howlgab noqdey ka dib markii koox ka badan 100 saraakiil sar-sare oo ka tirsan ciidamada badda ee howlgabka ah ay soo saareen bayaan ay saraakiil ka tirsan dowladda kula xiriiriyeen taariikhda inqilaabyada militari ee dalkaas.

Wakaaladda wararka ee Anadolu ee ay dowladdu maamusho ayaa warisay in xariga Admiralada howlgabka ah uu qeyb ka yahay baaritaanka ku saabsan warqaddooda furan, oo uu bilaabay dacwad oogaha guud ee caasimadda Ankara.

Xeer-ilaaliyeyaashu waxay kaloo ku amreen afar tuhmane oo kale inay iskugu soo dhiibaan booliska Ankara muddo saddex maalmood gudahood ah, iyagoo ka door biday in aan la xidhin sababo la xiriira da ’dooda, sidda ku xusan warbixinta.

Saraakiishaas hore ee sarsare ee militariga ayaa lagu eedeeyay "inay adeegsadeen xoog iyo rabshad si ay uga takhalusaan nidaamka dastuuriga ah", sidaana waxa bahiyey NTV.

Xariga ayaa yimid maalin kadib markii warqada furan oo ay saxiixeen 104 Admiral oo howlgab ah ay si kulul u cambaareeyeen xafiiska madaxweynaha, kaas xusay in talaabada looga gol-lahaa "soo celinta afgembiyada" xilliyadii hore ee Turkiga.

14-ka eedeysane ayaa la rumeysan yahay inay abaabuleen bayaanka. Xeer-ilaaliyeyaashu waxay baaritaan ku bilaabeen Axadii saraakiishii hore ee ugu sarreeyay ciidamada badda iyagoo looga shakiyay "heshiis lagu galayo dambi ka dhan ah xasiloonida waddanka iyo nidaamka dastuuriga ah".

Ansixinta Ankara bishii hore ee qorshayaasha lagu horumarinayo marinka maraakiibta ee Istanbul, oo u dhiganta kanaalada Panama ama Suez, ayaa furay dood ku saabsan Axdigii 1936 ee Montreux.

Kanal Istanbul (Kanaalka Istambul) waa yoolka ugu balaaran ee uu leeyahay waxa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ugu yeeray "mashaariicdiisa waalan", ee doonayo in uu ku dhiso garoomo diyaaradeed, buundooyin, wadooyin iyo godad dhaadheer mudadda 18-ka sano ah ee uu xukunka hayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM