UK oo markii ugu horreysay hirgelisay masaafurinta muhaajiriinta sharci darrada ah

Image
Dowlada Ingiriiska ayaa ku tala jirta in ay sii ballaariso masaafurintan bisha July ee sanadkan.

London (GO) - Boqortooyada UK ayaa markii ugu horreeyay u tarxiishay qof magangalyo doon ah Rwanda, taasoo qayb ka ah barnaamij musaafuris ikhtiyaari ah oo loogu talagalay muhaajiriinta codsiyadooda magangalyo la diiday, sida ay sheegtay warbaahinta Ingiriiska.

Arrintan ayaa ku soo beegantay maalmo ka dib markii baarlamaanka Britain uu ansixiyay sharci muran badan dhaliyay oo dowladda u ogolaanaya in ay dib ugu celiso Rwanda dadka soo galootiga ah oo sifad sharci darro ah ku soo galay dalka.

Ninkan oo aan magaciisa iyo dhalashadiisa asal ahaan aan la xusin, ayaa Isniintii ka dhoofay Boqortooyada Ingiriiska, sida ay sheegtay warbaahinta Britain, taasoo tilmaantay inuu ogolaaday inuu u dhoofo Kigali, ka dib markii la diiday codsigiisa magangelyo.

Dowlada Ingiriiska ee muxaafidka ah ee uu hogaamiyo Rishi Sunak ayaa ku tala jirta in ay sii ballaariso masaafurintan marka la gaaro bisha July ee sanadkan, iyada oo qofkii oggolaada in dalka laga musaafuriyo la siinayo lacag gaaraysa 3 Kun oo gini.

Wargeyska The Times, oo soo xiganaya ilo-wareedyo dawladda ka tirsan, ayaa sheegay in ninkaasi uu aqbalay in la masaafuriyo, laguna beddelo lacag dhan 3,000 oo Giniga Istarliinka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Anas al-Shariif iyo shan wariyeyaal Al Jazeera ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil

Al-Shariif, oo 28 jir ahaa, ayaa muddo dheer ka soo waramayey waqooyiga…

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 10:17PM

Masar iyo Turkiga oo Cambaareeyay Qorshaha Israa’iil ee Qabsashada Magaalada Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si la mid ah uga hadlay arrintan, isagoo yiri, “Waa in si daahfuran looga hadlaa.

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 05:40AM