UN-ka oo caddeeyay mowqifkooda go’aanka Dowladda Soomaaliya

Image
Xukuumadda Muqdisho ayaa dalbtay in albaabada loo laabo xafiiska UNSOM ee magaaladda caasimadda ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaramada Midoobay ayaa ka falcelisay go'aanka dowladda Soomaaliya ka qaadatay howlgalka UN-ka ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Af-hayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo la hadlay laabta Afka Soomaaliga ee VOA waxa uu sheegay inaysan lama filaan ku noqonin go'aankaas.

“Arrintan u dambaysay waxay markhaati u tahay shaqada qiimaha leh ee UNSOM ay ku taageerto maamulada Soomaaliya sannadihii la soo dhaafay. Sida aan hubo, waxaad ogtihiin in xafiiska UNSOM uu Soomaaliya u joogo amar ka yimid UNSC, sida dhammaan howlgallada siyaasadeed ee gaarka ah, waajibaadkiisu wuxuu ku eg yahay marka hawlihiisa la gaaro ama go'aankan aan loo baahnayn," ayuu xusay

Gaitanis ayaa soo jeediyay in go’aanka dowladda Soomaaliya uusan ahayn mid lama filaan ah.

“Sidoo kale waa inaan xusaa, iyadoo arrintaan ku xiran tahay, waxaa jiray dib u eegis istiraatiiji ah oo UNSOM lagu sameeyay laba sano ka hor. Natiijooyinka dib u eegista ayaa lagu sheegay in ay ku taliyeen in UNSOM ay bilowdo qorsheynta kala guurka UNSOM una gudbiso kooxda Qaramada Midoobay ee la wareegaysa mas'uuliyadda. Waxayna golaha ammaanku dhab ahaantii ku ayideen natiijooyinkan mid ka mid ah go'aannadiisa. Haddaba hadda waxaan wadahadal kula jirnaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaan diyaar u nahay inaan raacno awaamiirta Golaha, dabcan, waxaan sii wadi doonnaa inaan la shaqeyno oo aan taageerno dowladda intii aan awoodno iyo sida loo baahan yahay. Tani waxay si gaar ah ula socotaa UNSOM - qoyska Qaramada Midoobay, hay'adaha, lacagaha iyo barnaamijyada iyo UNSOS waa sii jirayaa, taageerada UN ee Soomaaliyana way sii socon doontaa iyada oo aan loo eegin waxa ku dhacaya UNSOM iyo haddii kaleba," ayuu tibaaxay.

Gaitanis ayaa wax laga weydiiyey dhaliilaha loo jeedinayo UNSOM ee ku aaddan ka-qaybgalkeeda Soomaaliya ay dadka qaar u arkaan mid “faragelin ah” oo wax u dhimaya madax-bannaanida Soomaaliya.

“Had iyo jeer shaqada UNSOM ku saabsan tahay in la taageero Soomaalida, habka ay Soomaalidu hoggaamiso wax kasta oo ay noqon karto. Inta dhaleecayntaasi ay tibaaxeen, anigu maan odhan karayn, sidii aan horeba u sheegay, waxa aanu halkan u joognaa in aanu taageerno oo aanu ka caawino wixii aanu awoodno," ayuu xusay.

GAROWE ONINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM