USA: Xukun laga soo saarey dadka magangalyo doonka ah

Image
Maamulka Biden ayaa ku guuldareystay isku-dayo uu ku joojin lahaa siyaasad uu dejiyey nidaamkii Turmp.

WASHINGTON, USA - Maxkamadda Sare Mareykanka ayaa ku amartay Madaxweyne Joe Biden inuu dib u soo celiyo siyaasadda ah in dadka magangalyo doonka ah ay sii joogaan Mexico inta dacwadaha laga baaraandegayo.

Siyaasadda waxaa dejiyay madaxweynihii isaga ka horreeyay, Donald Trump, taas oo qayb ka ah tallaabooyinkiisa lagu xakameynayo tirada magangalyo -doonka ah ee soo galaya Mareykanka.

Laakiin Mr Biden ayaa hakiyay maalintii ugu horreysay ee xafiiska. Kooxaha xuquuqda ayaa sheegaya in siyaasaddu ay muhaajiriinta u horseedayso xaalado halis ah oo ka jira magaalooyinka xadka Mexico.

Talaadadii, Maxkamadda Sare ayaa diiday dalab lagu doonayay in lagu horjoogsado xukunka garsoore fadhigiisu yahay Texas oo dowladda looga baahan yahay inay dib u soo nooleyso siyaasaddii Ilaalinta Muhaajiriinta (MPP).

Waxay sheegtay in maamulka Biden "uu ku guuldareystay inuu muujiyo suurtagalnimada guusha" sheegashada ah in ka noqoshada siyaasaddu aysan ahayn "mid aan loo meel dayin oo khiyaano leh".

Maamulka Biden wuxuu samayn karaa isku day kale si uu isugu dayo una joojiyo siyaasadda. Qaxootiga nolosha wanaagsan u doonta Mareykanka waxaa kamid ah qaar Soomaali ah.

Ururka Xoriyadaha Madaniga ah ee Mareykanka ayaa ugu baaqay Mr Biden inuu mar kale isku dayo oo uu bixiyo "sharraxaad buuxda" sababta ay tahay in siyaasadda loo joojiyo si ay fursad u helaan kumanaanka soo-taloogiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM