Waa kuma 3da qof ee ugu sarreeya liiska dembiilayaasha loogu doonista badan yahay Israa'iil?

Image
Saddexda nin ayaa kala ah: Muhammad Al-Deif, Marwan Ciise iyo Yahya al-Sinwar.

QASA (GO) - Wasiirka Difaaca Israa’iil Yoav Galant ayaa darbiga xafiiskiisaku yaala magaalada Tel Aviv ku dhajiyay boor ku sawirnaa boqollaal hoggaamiyeyaal ah oo ka tirsan kooxda Xamaas.

Sawrirkan loo dhigay qaabka ahraamta ayaa Qeybta hoose waxaa ku sawiran taliyayaasha sare ee Xamaas, halka sarena ay ku yaaliin sawirada hogaanka sare oo uu ku jiro Muhammad al-Deif, oo ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii 7dii October.

Boorkan ayaa si weyn loo daabacay ka dib markii Israa’iil ay ku duushay Qasa si ay uga jawaabto weerarkii 7-dii October, waxaana calaamadda “X” la saaray wejiyada hogaamiyayaashii lagu dilay weerarka.

Saddexda nin ee ugu sarreeya liiska loogu doonista badan yahay Israa’iil ayaa kala ah: Muhammad Al-Deif, taliyaha garabka milateriga ee Xamaas, ku xigeenkiisa Marwan Ciise iyo hogaamiyaha Xamaas ee Qasa, Yahya al-Sinwar.

ilo xog ogaal ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in weerarka Israa’iil ee Qasa uu yahay mid aan la joojin karin ilaa laga dilo ama laga soo qabto saddexda hoggaamiye ee Xamaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 11:58AM

Trump: Waan ognahay halka uu Khamenei ku sugan yahay, Ma rabno inaan dilno hadda!

Dhinaca kale, Iran ayaa sheegtay in 224 qof lagu dilay, in ka badan 1,000 kalena lagu dhaawacay duqeymaha Israel.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 09:25AM