Waa kuma 3da qof ee ugu sarreeya liiska dembiilayaasha loogu doonista badan yahay Israa'iil?

Image
Saddexda nin ayaa kala ah: Muhammad Al-Deif, Marwan Ciise iyo Yahya al-Sinwar.

QASA (GO) - Wasiirka Difaaca Israa’iil Yoav Galant ayaa darbiga xafiiskiisaku yaala magaalada Tel Aviv ku dhajiyay boor ku sawirnaa boqollaal hoggaamiyeyaal ah oo ka tirsan kooxda Xamaas.

Sawrirkan loo dhigay qaabka ahraamta ayaa Qeybta hoose waxaa ku sawiran taliyayaasha sare ee Xamaas, halka sarena ay ku yaaliin sawirada hogaanka sare oo uu ku jiro Muhammad al-Deif, oo ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii 7dii October.

Boorkan ayaa si weyn loo daabacay ka dib markii Israa’iil ay ku duushay Qasa si ay uga jawaabto weerarkii 7-dii October, waxaana calaamadda “X” la saaray wejiyada hogaamiyayaashii lagu dilay weerarka.

Saddexda nin ee ugu sarreeya liiska loogu doonista badan yahay Israa’iil ayaa kala ah: Muhammad Al-Deif, taliyaha garabka milateriga ee Xamaas, ku xigeenkiisa Marwan Ciise iyo hogaamiyaha Xamaas ee Qasa, Yahya al-Sinwar.

ilo xog ogaal ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in weerarka Israa’iil ee Qasa uu yahay mid aan la joojin karin ilaa laga dilo ama laga soo qabto saddexda hoggaamiye ee Xamaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM