Waa kuma shaqsiga dharbaaxada ku dhuftay Macron?

Image

PARIS, France - Shalay hadalheynta ugu badan ee warbaahinta caalamka ayaa waxay ahayd dharbaaxo goob fagaare ah daanka/dhabanka looga dhuftay madaxweynaha dalka Faransiiska ee Emmanuel Macron.

Dhacdadan waxaa laga soo wariyey magaalada Valence ee koonfur barri France. Ma cadda sababta ka dambeysay arrintan. Ninka dharbaaxay Macron wuxuu ku qaylinayaan "Ha dhaco Macron".

Booliska oo baaritaan ku bilaabay dhacdadaas iyo waxay salka ku hayso ayaa shaqsiga ka dambeeyay falkaas waxay ku sheegeen Damien Tarel, oo ah 28-sano jir aan horey wax dambi ah u gelin.

Sida ay warisay warbaahinta maxaliga ah, Tarel oo taageero weyn u ah cayaaraha seefafka ayaa sidoo kale wuxuu ku taxan yahay ciwaano barta You Tube-ka kuwaasoo ay leeyihiin dad midigta fog ah.

Tarel oo baaqi kusii ahaan doona xabsiga wajihi doonana su'aallo weydiimo dheeraad ah ayaa lagu soo oogayaa dacwad ku saabsan in uu u gacan-qaadey qof caan ah, sida ay xusayaan warbixinada.

Haddii lagu helo dacwaddaas, Tarel ayaa, sida uu dhigayo xeerka Faransiiska, muteysan kara ugu yaraan saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 55-kun oo doolar-ka Mareykanka.

Fahfaahinada laga helayo Tarel ayaa intaas ku daraya in uu maamule ka yahay shirkad farshaxanka taasoo naqshadeysa sawirada cayaaraha faasaska gaar ahaan kuwa khuseeya taarikhda qaarada Yurub.

Kadib dharbaaxada, Macron oo u waramay joornaalka Dauphine Libere ayaa ku sifeeyay "dhacdo fool xun", isaga oo ku adkeystay in uusan marnaba u baqin badqabkiisa sii wadan in uu gacan-qaado shacabka.

Afhayeen u hadlay dowlada Faransiiska oo hoosta ka xariiqay in Macron uu sii wadi doono gacan-qaadida dadweynaha soo dhaweynaya ayaa tibaaxay in kaliya sarre loo qaadi doono ammaanka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Macron loogu gacan-qaado goob fagaare ah. 2016-kii, isagoo ah wasiirka maaliyada waxaa lagu tuuray Ukun. Xilligaas waxaa jirtay xiisad ka dhalatay dib-u-habeyn maaliyadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiskii Nukliyeerka Mareykanka iyo Sacuudiga oo Khilaaf ka Dhex Abuuray Maamulka Trump

Wasaaradda Tamarta ayaa dhinaceeda beenisay inay si madax-bannaan u shaacisay heshiiska…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:15AM

Weerarada Iran ee xarumaha CIA-da oo dhaliyay su’aalo ku saabsan doorka suurtagalka ah ee Ruushka

Qaar ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in xarumo kale oo CIA ah sidoo kale la beegsaday, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 10:47AM