Waa kuwa shaqsiga uu Bill Gates ka qoomameynayo la kulankiisa?

Image
Hadalkan ayaa kusoo aadaya maalmo kadib markii uu dhameystiray furiinka xaaskiisii hore Melinda French Gates. [Photo: Getty Images]

WASHINGTON, USA - Bill Gates oo wareysiyo laga qaadey maalmo kadib markii ay kala tageen xaaskiisii horey ee Melinda French Gates ayaa ku tilmaamay "qalad weyn" xiriirka kala dhaxeeyay dhaqaalayahanka Jeffrey Epstein kaasoo loo xukumay dambiyo dhanka jinsiga.

Gates oo u waramay CNN ayaa ka qoomameynaya la kulanka maareeyaha sanduuqa maalgelinta ee xumaanta caanka ku noqdey kaasoo meydkiisa laga helay xabsi August 2021 markii dacwad-oogeyaal heer federal ay ku eedeeyeen in uu ka ganacsado kireynta caruurta iyo ku xadgudubka daraasiin gabdho aan qaangaarin.

Maxkamad ayaa xukmisay in dhimashadda Epstein ay ka dhalatay markii uu is-daldalay. Epstein ayaa sanado ka hor qirtay dambiga lagu soo oogay ee ah inuu ka doonay dhillaysi ilmo yar markii Gates bilaabay inuu la kulmo.

Toban sano ka hor, Epstein wuxuu isu diiwaangeliyay inuu yahay dembiile galmo oo qayb ka ah heshiis muran dhaliyay oo lala galay xeer ilaaliye Miami si looga fogaado eedeymaha federaalka waqtigaas.

Bilyaneerka samafalka ah, Gates, ayaa sheegay in kulamada ay ku dhiirigeliyeen rabitaankiisa ahaa inuu lacag u aruuriyo arrimaha caafimaadka adduunka.

"Waxaan dhowr casho la qaatay isaga, waad ogtahay, anigoo rajaynaya in wixii uu ka yiri helitaanka balaayiin samafal caafimaad caalami ah iyada oo loo marayo xiriiro laga yaabo inuu soo baxo," ayuu Gates u sheegay CNN. "Markii ay soo ifbaxdey in waxaas aysan xaqiiqo ahayd, xiriirkaas wuu dhammaaday".

Gates ayaan wareysiga CNN ee la sii daayey Arbacadii wuxuu kaga gaabsadey ka hadalka warbixintii Wall Street Journal ee ahayd in xiriirkii uu la lahaa Epstein uu gacan ku lahaa kala tagga isaga iyo xaaskiisii hore.

Sannadkii 2019, The New York Times ayaa warisay in Gates uu la kulmay Epstein marar badan laga bilaabo 2011, oo ay ku jiraan saddex jeer oo ay isku arkeen xaafadda Epstein ee New York.

Sida ay muujinayaan dukumiintiyadda furitaanka ee maxkamadda, guurkii 27-sano jiray ee Bill iyo Melinda Gates ayaa si rasmi ah loo soo afjaray Isniintii.

Tan iyo markii lammaanuhu ku dhawaaqeen kala-taggoodii bishii May, warar kala duwan ayaa muujiyey hab-dhaqan su’aallo dhaliyey kuna lug-leeyahay Bill Gates, oo ay ku jirto arrin khuseysa shaqaale Microsoft ku dhowaad 20 sano ka hor, iyo sida uu u maareeyay sheegashada tacadiyo galmada ee ka dhanka ah madaxii hore ee hantidiisa.

Bill Gates iyo Melinda French Gates ayaa iska kaashaday aasaaska mid ka mid ah hay’adaha samafalka gaarka ah ee ugu weyn uguna saamaynta badan adduunka, kaas oo in ka badan $50 bilyan ku kharash gareeyay 20-kii sano ee la soo dhaafay dadaallada caafimaadka bulshada adduunka.

Waxay sheegeen inay isku dayi doonaan inay ka wada shaqeeyaan Bill & Melinda Gates Foundation muddo labo sano ah oo tijaabo ah furitaankooda kadib.

Haddii qabanqaabadu ku guuldaraysato, French Gates ayaa iska casili doonta jagadeedii ku-xigeenka iyo wakiilka gaarka ah ee Bill Gates waxayna si madax-banaan u maalgelin doontaa hay’ad kale oo ka shaqeysa horumarinta caafimaadka aduunka taasoo aysan tafaasiil kasii bixin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tirada dadka ku geeriyoodey duqeymaha Gaza oo dhaafay 43,799 qof

Khasaaraha tirokoobka guud waxaa ku jira 35 dhimasho ah 24-kii saac ee la soo dhaafay.

  • Caalamka

    16-11-2024

  • 11:31AM

Maxay Ka Wada Hadleen Elon Musk iyo Safiirka Iran ee Ku Kulmay New York?

Kulankan oo socday in ka badan saacad ayaa lagu qabtay goob sir ah, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta…

  • Caalamka

    15-11-2024

  • 01:45PM