Waa maxay qalfoofka "Dragon Man" ee laga helay China?

Image

BEJING, China – Sideetan iyo sideed sano [88] kahor, nin Shiinees ah ayaa wuxuu helay walax ama qalfoof dhif iyo naadir ah oo u muuqata dhakada ama laf-madax.

Shaqsigaas ayaa go’aansadey in uusan ku wareejin ciidamadii Japan eek u duulay dalkaas. Taabadalkeed, wuxuu ku aasay ceel aan la adeegsan oo laga tagey halkaasoo qalfoofku yaalay 85 sano ee ka dambeysay.

Kahor geeridiisa, wuxuu ku wargeliyey qoyskiisa oo dib u helay sanadkii 2018, waxayna ugu deeqeen madxaf.

Saynisyahanno ayaa shaaciyey in aysan waligood arag qalfoof noocaan oo kale ah taas oo ka kooban madax iyo maskax aad u baaxad weyn ama ballaaran.

Wejiga, sanka, daamanka iyo indhaha ayuu sidoo kale aad uga ballaaran yahay. Baareyaasha oo ku jahwareer nooca bini’aadam ee qalfoofkan uu ka sameysan yahay ayaa ugu magac daray Homo longi ama "Dragon Man".

Dragon Man oo la rumeysan yahay in uu dhintay markuu jiray da'da 50 jir ayaa la sheegay in uu ku noolaa 146,000 sano ka hor gobolka qabow ee Shiinaha.

Saynisyahannada ayaa sidoo kale aaminsan in Dragon Man uu yahay qaraabada ugu dhow ee aadanaha casriga ah. Cinwaankan hadda waxaa iska leh Neanderthals.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiskii Nukliyeerka Mareykanka iyo Sacuudiga oo Khilaaf ka Dhex Abuuray Maamulka Trump

Wasaaradda Tamarta ayaa dhinaceeda beenisay inay si madax-bannaan u shaacisay heshiiska…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:15AM

Weerarada Iran ee xarumaha CIA-da oo dhaliyay su’aalo ku saabsan doorka suurtagalka ah ee Ruushka

Qaar ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in xarumo kale oo CIA ah sidoo kale la beegsaday, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 10:47AM