Waa maxay sababta Qatar ay xiriir dhow ula leedahay Taliban?

Image

DOHA, Qatar - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu mahadceliyo Amiirka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani sida hagar la’aanta leh ee ay uga caawiyay daadgureynta Afghanistan.

Sidoo kale, Biden ayaa ku amaaney Qatar doorkeeda fududeynta wadahadaladii Doha Mareykanka kula yeeshay Taliban, kuwaasoo fashilkooda sababtay in Taliban la wareegto xukunka.

Xiriirka Qatar iyo Taliban wuxuu billowday horaantii 2013 -kii, oo u oggolaatay Kooxda inay xafiis ka furato Doha, iyadoo taageero ka heleysa maamulkii xiligaas ka jiray Mareykanka ee uu hogaaminayay Barack Obama.

Waqtigaas, Washington waxay raadineysay meel dhexdhexaad ah oo ay kula xaajooto Taliban, si loo diyaariyo ka bixitaanka Ciidamada Ameerikaanka ee Afghanistan.

Ujeedka Qatar ee xiriirka Taliban ayaa ah inay noqoto dhexdhexaadiyaha siyaasadda gobolka inay galaangal muuqda ku yeelato Afganistan, waxayna hadda qaabeynaysaa mustaqbalka dalkan, nooca ay noqonayso dowladda cusub kadib ka bixitaanka Mareykanka.

Qatar waxay aad ugu tiirsaneyd Sacuudiga sanadihii 1970-meeyadii iyo 1980-meeyadii oo ay uga dambeysay arrimaha dhexdhexaadinta, laakiin waxay hadda doonaysaa inay ka xorowdo Sacuudiga, oo doorkooda uu noqdo mid madax-banaan, islamarkaana ka muuqda gobolka.

Marka laga hadlayo xaaladda Afghanistan, wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar, Sheekh Maxamed bin Cabdulraxmaan Al Thani, ayaa ka hadlay maalmo uun kahor, isagoo sheegay in dalkiisa uu isu arko dhexdhexaadiye dhexdhexaad ah.

Qatar waxay si weyn ugu tiirsan tahay difaaca Mareykanka uu siiyo, wuxuuna saldhig ugu weyn ee Bariga Dhexe ku leeyahay Doha kaasoo lagu magacaabo Al Udeid Air Base. Waxaa la dhisay Saldhigan 1996, iyadoo ay ku sugan yihiin 10,000 oo askari.

Sidoo kale, Qatar ma dooneyso inay lumiso xulufada Mareykanka, mar haddii ay ka baqayso awoodda deriskeeda, sida Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo loolan iyo xiisad kala dhaxeeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM