Wadahadaladii u dhaxeeyay Israa’iil iyo XMS oo lagu waramayaa in ay fashil ku soo dhamaadeen

Image
Israa'iil ayaa qorsheynaysa inay weerarto magaalada Rafah.

Qasa (GO) - Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warrantay in Israa’iil ay raadinayso ilo kale oo ay ku hesho hub, ka dib markii wada-xaajoodyadii kala dhexeeyay Xamaas ay Fashil ku soo dhamaadeen.

Warbaahinta Israel ayaa ka soo xigatay Saraakiil sarsare in Israa’iil ay raadineyso ilo kale oo ay ka hesho hub, iyadoo ka cabsi qabta in Maraykanka uu joojiyo taageerada militari haddii ay weeraraan magaalada Rafah.

Shalay oo Axad ahayd, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ciidamada Israa'iil ay geli doonaan Rafah si ay u gaaraan "guul buuxda" meeshana ka saaraan hoggaamiyaha Xamaas ee Gaza, Yahya Sinwar.

Gelitaanka milatari ee Rafah ayaa ka dhigan qodob aasaasi ah oo ay isku hayaan Israa'iil iyo Maraykanka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Anas al-Shariif iyo shan wariyeyaal Al Jazeera ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil

Al-Shariif, oo 28 jir ahaa, ayaa muddo dheer ka soo waramayey waqooyiga…

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 10:17PM

Masar iyo Turkiga oo Cambaareeyay Qorshaha Israa’iil ee Qabsashada Magaalada Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si la mid ah uga hadlay arrintan, isagoo yiri, “Waa in si daahfuran looga hadlaa.

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 05:40AM