Wada-hadallada Nabadda Afghanistan oo furmay

Image

11 January, 2016(GO)-Pakistan ayaa Isniinta marti-gelineysa wada-hadallo dib loogu soo nooleynayo hanaankii nabadda Afghanistan. Wada-hadallada ayaa waxaa ka qeyb-galaya Afghanistan, China iyo Mareykanka.

Sartaj Aziz, oo ah la taliyaha siyaasadda arrimaha dibedda ee ra’iisul wasaaraha Pakistan Nawaz Sharif, oo ka hadlay furitaanka kulanka ayaa sheegay in ujeedooyinka wada-hadalladan ay yihiin in la abuuro xaalad kooxaha Taalibaan lagu keynayo miiska wada-xaajoodka.

Waxa uu sheegay in sidoo kale la isku dayayo in Taalibaan loo yabooho waxyaabo ka dhaadhicin kara inay ka fogaadaan rabshadaha oo ay raadiyaan hadafyo siyaasadeed.

Dib u ballaarashada muqaawamada Afghanistan ee sanadkii tagay ayaa dalalka gobolka iyo kuwa caalamka ku abuurtay walaac laga qabo in dhiig badan oo kale uu ku daato dalkaas, xasilooni darradana ay sii baahdo.

Aziz ayaa sheegay in kulankan uu ka shaqeyn doono qeexidda jihada hanaanka nabadeed ee Afghanistan, iyo abuuridda jawi ay dowladda Afghanistan iyo kooxda Taalibaan ay si toos ah ugu wada hadali karaan.

Xigasho: VOA

Related Articles

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM

Ciidamo Mareykan ah oo Gaaray Waqooyiga Nigeria

Toddobaadkii dhammaadkiisii hore, rag hubeysan oo watay mootooyin ayaa weera…

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 07:44AM