Wada-hadallada Nabadda Afghanistan oo furmay

Image

11 January, 2016(GO)-Pakistan ayaa Isniinta marti-gelineysa wada-hadallo dib loogu soo nooleynayo hanaankii nabadda Afghanistan. Wada-hadallada ayaa waxaa ka qeyb-galaya Afghanistan, China iyo Mareykanka.

Sartaj Aziz, oo ah la taliyaha siyaasadda arrimaha dibedda ee ra’iisul wasaaraha Pakistan Nawaz Sharif, oo ka hadlay furitaanka kulanka ayaa sheegay in ujeedooyinka wada-hadalladan ay yihiin in la abuuro xaalad kooxaha Taalibaan lagu keynayo miiska wada-xaajoodka.

Waxa uu sheegay in sidoo kale la isku dayayo in Taalibaan loo yabooho waxyaabo ka dhaadhicin kara inay ka fogaadaan rabshadaha oo ay raadiyaan hadafyo siyaasadeed.

Dib u ballaarashada muqaawamada Afghanistan ee sanadkii tagay ayaa dalalka gobolka iyo kuwa caalamka ku abuurtay walaac laga qabo in dhiig badan oo kale uu ku daato dalkaas, xasilooni darradana ay sii baahdo.

Aziz ayaa sheegay in kulankan uu ka shaqeyn doono qeexidda jihada hanaanka nabadeed ee Afghanistan, iyo abuuridda jawi ay dowladda Afghanistan iyo kooxda Taalibaan ay si toos ah ugu wada hadali karaan.

Xigasho: VOA

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM