Wadahadalo dadban oo u bilowday Xamaas iyo maamulka Yahuuda

Image
Dalalka Qadar iyo Masar ayaa u kala dad-qaadayo dhinacyadda wadaxaajoodyada u furmeen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warbaahinta Maraykanka iyo Israa’iil ayaa sheegay in Israa’iil iyo Xamaas ay dib u bilaabeen wada-hadallada dadban ee caasimadda Qatar ee Dooxa.

Axios, oo soo xiganaya laba sarkaal oo Israel ka tirsan oo aan la magacaabin, ayaa sheegay in weftiga Israa’iil ee uu hoggaaminayo madaxa Mossad David Barnea ay la kulmeen dhexdhexaadiyeyaal Qatar iyo Masar ah oo uu hoggaaminayey Ra’iisal-wasaaraha Qatar Mohammed Bin Abdulrahman al-Thani.

Sarkaal sare oo Israa’iil ka tirsan ayaa u sheegay mareegaha wararka ee Maraykanka in wadahadallada hadda socda ay qaadan karaan ugu yaraan laba toddobaad, wafdiga Israa’iilna ay ku sii sugnaan doonaan magaalada Dooxa si ay wadahadallo faahfaahsan ula yeeshaan dhexdhexaadiyayaasha Qatar iyo Masar.

Dhexdhexaadiyayaasha ayaa u kala gudbaaya wufuud ka kala socota Israel iyo Xamaas kuwaas oo ku kala sugan qaybo kala duwan oo ka mid ah isla xarunta Doha, sida uu sheegay sarkaalku.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xamaas iyo dalalka dhexdhexaadinta.

Shabakadda wararka ee Time of Israel, oo soo xiganaysa warbaahinta kale ee Israa’iil, ayaa sidoo kale sheegtay in wada-hadallada ay bilowdeen.

Time of Israel ayaa waxay intaa ku dartay in Barnea ay u badan tahay inuu ku laabto Israel maalinta Talaadada, halka kooxda wada xaajoodka Israel ay sii joogi doonaan Doha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo markii ugu horreysay muddo bilo ah weerartay Sacuudiga

Sacuudi Carabiya ayaa digniin amni ka soo saartay khatar ka jirta Al-Kharj, oo qiyaastii 85 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan Riyadh.

  • Caalamka

    18-07-2026

  • 01:46PM

Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga u gudbiyay dalab la xiriira amniga Soomaaliya

Mooshinka ayaa tilmaamay in inkasta oo ciidamada ammaanka Soomaaliya ay haystaan shaqaale iyo qalab ku filan.

  • Caalamka

    18-07-2026

  • 01:31PM