Wadamda Mali, Niger iyo Burkina Faso oo dhisay isbaheysi militari ah

Image

NIAMEY, Niger - Wadamada Mali, Niger iyo Burkina Faso ayaa saxeexday heshiis dhinaca ammaanka ah oo ay ku ballan-qaadeen inay midba midka kale ka caawin doono haddii uu dhaco duullaan dibadeed.

Saddexda dal ayaa wada dadaallo lagu doonayo in lagu xakameeyo kooxaha nabad-diidka ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida iyo Daacish, waxaana sidoo kale xumaaday xiriirka ay la leeyihiin dalalka deriska la ah iyo saaxiibada caalamiga ah, kadib afgambigii ka qabsomay dalka Niger.

Afgambjgaas oo ka dhacay dalka Niger ayaa sababay khilaaf hor leh oo soo kala dhexgalay saddexda dal iyo ururka dhaqaalaha ee galbeedka Afrika ee ECOWAS, kaas oo ku hanjabay inay awood u adeegsan doonaan soo celinta xukunka dastuuriga ah ee dalkaas.

Mali iyo Burkina Faso ayaa ballan qaaday inay gargaar u fidin doonaan Niger haddii la soo weeraro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM