Wadarta lacagta uu la baxsadey Ashraf Ghani oo la shaaciyey

Image
Lacagtan ayaa la sheegay in uu horey u soo qaatay markii uu ka cararay Kabul kahor inta aysan qabsan Taliban.

KABUL, Afghanistan - Hadda waxaa la xaqiijin karaa in Madaxweyne Ashraf Ghani uu ku sugan yahay Isu-taggaImaaraadka Carabta kadib markii uu Axaddii todobaadkan ka cararay magaalada caasimada ah ee Kabul.

Dhanka kale, safiirka Afghanistan ee dalka ay deriska yihiin ee Tajikstan ayaa wuxuu ku eedeeyay Ghani inuu waday ku dhawaad ​​aduun lacageed dhan 169 milyan oo doolar markii uu baxayay Axaddii.

Talaabadda uu ku dhawaaqay madaxweyne Ghani oo ka baxsadey nidaamka kooxda hubeysan ee Taliban ayuu ku sifeeyay "khiyaano qaran oo uu kula kacay dalkiisa hooyo iyo qarankiisa".

Danjire Mohammad Zahir Aghbar ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay safaaradda Afghanistan ee caasimadda Tajik ee Dushanbe halkaasoo warbaahinta caalamka ay goobjoog ka ahayd.

Safaaradda uu madaxda ka yahay ayuu ka dhawaajiyey in ay damacsan tahay inay u aqoonsato ku -xigeenkii hore ee Ghani Amrullah Saleh inuu noqdo ku-simaha madaxweynaha Afghanistan.

Farriin maqal ah ayuu Mr Saalax ku andacooday inuu yahay "madaxweynaha kumeelgaarka ah ee sharciga ah ee Afghanistan" wuxuuna carabka ku adkeeyay in "dagaalku dhammaan balse la hadlayo dhinacyada".

Afghanistan ayaa galeysa mar-xalad cusub oo ay hormuud u tahay Taliban taasoo qorsheynaysa in ay maalmaha soo aadan ku dhawaaqdo "dowlad salka ku haysa shareecada Islaamka dadkuna u siman yihiin".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM