Wadaxaajoodkii ku aadanaa biyo-xireenka Itoobiya oo guuldarro ku soo idlaaday

Image

ADDIS ABABA, Itoobiya - Itoobiya ayaa dhaleeceyn u jeedisay Masar, kadib markii uu fashil ku soo idlaaday shirkii saddex geesoodka ahaa ee ku saabsanaa biyo-xireenka “Renaissance” kaas oo lagu qabtay Addis Ababa.

Itoobiya ayaa marti galisay wareegii labaad ee wada xaajoodka saddex geesoodka ah ee u dhexeeya Itoobiya, Suudaan iyo Masar intii u dhaxaysay Sebtembar 23 ilaa 24, 2023. Wareegga wadahadalka ayaa bilaabmay ujeeddadiisuna ahayd in horumar laga gaaro, laguna soo afjaro kala duwanaanshaha arrimaha taagan.

Sida laga soo xigtay war-murtiyeedka Itoobiya, dhinaca Masar ayaa riixay mawqif wax u dhimaya ku dhawaaqistii mabaadii'da ee ay labada dhinac kala saxeexdeen 2015, wada-xaajoodyaduna ma horseedin horumar la taaban karo oo laga gaaro arrinta biyo-xireenka.

Dhinacyada shirka ayaa isku raacay in la sii wado wada-xaajoodyada saddex geesoodka ah bisha Oktoobar 2023, laguna qabto caasimadda Masar Qaahira.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Waa kuma Mehrdad Akhlaghi, wasiirka cusub ee difaaca Iiraan ee u hanjabay Mareykanka?

Sida laga soo xigtay warbixinta, 237 mudane oo baarlamaanka ka tirsan ayaa taageeray magacaabistiisa, halka 15 ay ka horyimaadeen.

  • Caalamka

    18-10-2026

  • 12:54PM

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM