Wakiilka Israa’iil oo lambarka hogaamiyaha XMS ka taagay Golaha QM

Image
Inta uu socday kalfadhiga, 153 dal ayaa taageeray qaraarka Xabadjoojinta.

Qasa (GO) - Wakiilka Israa’iil ee Qaramada Midoobay, Gilad Erdan, ayaa kor u qaaday boor uu ku qoran yahay waxa uu ku sheegay lambarka taleefanka hoggaamiyaha Xamaas ee Marinka Qasa Yahya Sinwar.

Gilad Erdan ayaa ku kacay falkan intii lagu guda jiray fadhi uu yeeshay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, kaas oo loogu talagalay in loo codeeyo qaraar ku baaqaya xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo marinka Qasa.

Inta uu socday kalfadhiga, 153 dal ayaa taageeray qaraarka, 10 ayaa diiday, 23 dal ayaana ka aamusay.

Wuxuu sheegay Erdan in haddii xubnaha Qaramada Midoobay ay rabaan "xabad joojin dhab ah, ay tahay inay la xiriiraan xafiiska Xamaas ee Qasa.

Waxa uu kor u taagay boor yar oo cad, oo ay ku qoran yihiin nambar uu sheegay in uu leeyahay Yahya Al-Sinwar iyo sawirkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM