Walaac caalami ah oo ka dhashay weerarada bur-cadbadeeda Soomaaliya

Image
Saddexdii bilood ee hore ee sanadkan 2024-ka, waxaa Soomaaliya laga soo sheegay shan weerar gaadmo ah.

LONDON, UK - Ciidamada badda ee Yurub ayaa xabsiga dhigay lix qof oo looga shakisan yahay inay yihiin burcadbadeed Jimcihii kaddib markii ay rasaas ku fureen markab shidaal oo marayay gacanka Cadmeed.

Sida ay saraakiishu sheegeen, weerarkan ayaa waxaa loo badinayaa inay qayb ka tahay weerarrada sii kordhaya ee burcad-badeedda ee ka imaanaya xeebaha Soomaaliya.

Weerarkan ka dhacay jasiirada Marshaal ee Chrystal Arctic ayaa ku soo beegmaya xili sidoo kale fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay weerar ku qaadeen maraakiibta mara marin biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas iyo marin biyoodka Bab el-Mandeb ee isku xira.

Weerarada ayaa waxa ay hoos u dhigeen isu socodkii ganacsiga ee mara marinka muhiimka ah ee badda ee u socda kanaalka Suweys iyo badda Mediterranean-ka.

Burcad-badeeddu waxay ka toogteen markab yar "hub iyo jaranjaro sidey," sida ay sheegtay xarunta hawlgallada ganacsiga badda ee Boqortooyada Ingiriiska ee millatariga Ingiriiska, kaas oo kormeera marinnada maraakiibta ee Mideast.

Burcadbadeeda ayaa watey qoryo u eg Kalashnikov iyo baasuukayaal, sida ay sheegtay shirkadda amniga ee gaarka loo leeyahay ee Ambrey taasoo dhaqdhaqaaqa falalka noocaan ah la socota.

Si kastaba ha ahaatee, walaaca laga qabo weeraro cusub ayaa kordhay bilihii la soo dhaafay. Saddexdii bilood ee hore ee sanadkan 2024-ka, waxaa Soomaaliya laga soo sheegay shan shil, sida uu sheegay Xafiiska Caalamiga ah ee Badaha.

Bishii Maarso, ciidamada badda waddanka Hindiya waxay qabteen tobanaan burcad badeed ah kuwaas oo qabsaday markab xamuul ah isla markaana qafaashay 17 shaqaale ah.

Bishii Abriil, burcad-badeeddu waxay sii daayeen 23-shaqaale ah oo la socday markab xamuul oo ka babana calanka Bangladesh MV Abdullah kaddib markii ay qabsadeen markabka. Shuruudaha sii deynta isla markiiba lama oga.

Weeraradan ayaa imaanaya iyadoo Xuutiyiinta ay beegsanayeen maraakiibta tan iyo bishii November taasoo qeyb ka ah ololahooda cadaadiska ah ee lagu joojinayo dagaalka Israel iyo Xamaas ee ka socda marinka Gaza.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo raadinayaa siyaabo uu ugu badbaadiyo TikTok in laga mamnuuco Mareykanka

Jimcihii waxay sheegeen, in calaamad madoow ay u soo bixi doonto dadka adeegsado ee cinwaannada ku leh TikTok ee gudaha Mareykanka.

  • Caalamka

    19-01-2025

  • 05:26AM

Furriin Soo Socda? Sababta Loo Hadal Hayo Obama iyo Michelle Maalmaha

Arrimahaasi waxaa sii kordhiyey maqnaanshaha Michelle Obama ee dhacdooyin waaweyn oo dhawaanahan dhacay.

  • Caalamka

    16-01-2025

  • 05:03PM