Wales oo markii ugu horeysay Ra’iisul Wasaare madow yeelatay

Image
Gething ayaa la dhaarin doonaa isla marka uu Boqor Charles III ogolaado magacaabistiisa.

Cardiff (GO) - Vaughan Gething ayaa loo doortay wasiirkii koowaad ee Wales, isagoo noqday hogaamiyihii ugu horreeyay ee madow ah oo ka taliya dowlad ka dhisan UK.

Gething ayaa xubnaha baarlamaanka Wales ee Cardiff u doorteen hoggaamiyaha dowladda, afar maalmood ka dib markii uu ku guuleystay jagada hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha ee Wales.

Waxa uu helay 27 cod 51 ka mid ah golaha sharci dejinta, halkaas oo xisbiga shaqaaluhu uu yahay xisbiga ugu weyn.

Gething, oo ah wiil uu dhalay aabe Wales ah iyo hooyo Zambian ah, ayaa sheegay in Wales ay hadda tahay "wadankii ugu horreeyay ee Yurub ee uu hoggaamiyo qof madow".

Gething ayaa la dhaarin doonaa isla marka uu Boqor Charles III ogolaado magacaabistiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Anas al-Shariif iyo shan wariyeyaal Al Jazeera ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil

Al-Shariif, oo 28 jir ahaa, ayaa muddo dheer ka soo waramayey waqooyiga…

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 10:17PM

Masar iyo Turkiga oo Cambaareeyay Qorshaha Israa’iil ee Qabsashada Magaalada Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si la mid ah uga hadlay arrintan, isagoo yiri, “Waa in si daahfuran looga hadlaa.

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 05:40AM