Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan
TEHRAN – Xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Iiraan ayaa mar kale cirka isku shareertay kadib markii Israa’iil ay duqeymo cirka ah ka fulisay galbeedka iyo bartamaha Iiraan, halka Tehran ay gantaallo ku weerartay waqooyiga Israa’iil.
Isku dhacyadan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee labada dal si toos ah ugu qaadaan dhulka midba midka kale tan iyo markii ay dhaqan gashay xabbad-joojin laba bilood ka hor, taas oo xilligaas soo afjartay dagaal socday toddobaadyo.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in “daraasiin” diyaaradaha dagaalka ah ay dhammaystireen weerarro lagu bartilmaameedsaday nidaamyada difaaca hawada iyo goobo ciidan oo ku yaalla gudaha Iiraan.
Dhanka kale, Iiraan ayaa sheegtay in weerarradeeda gantaallada ah ay yihiin “bilowga toddobaad buuxa oo weerarro joogto ah,” iyadoo muujisay inay sii wadi doonto jawaabaha milatari ee ka dhanka ah Israa’iil.
Weerarrada Iiraan ayaa yimid saacado kadib markii Israa’iil ay duqeymo ka fulisay magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan Axaddii, kuwaas oo lagu beegsaday goobo ay Israa’iil sheegtay inay leeyihiin ururka Xisbullah.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil, taas oo sii hurisay xiisadda gobolka.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ka hor weerarrada ugu baaqay Israa’iil inay ka fogaato tallaabo kasta oo ka dhan ah Iiraan. Trump ayaa Axaddii sheegay inuu la xiriiri doono Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, si uu ugu qanciyo inaanu qaadin tallaabooyin aargoosi ah.
Diblomaasiyiin iyo falanqeeyayaal ayaa ka digaya in iska horimaadkan cusub uu halis gelin karo xasilloonida Bariga Dhexe, isla markaana uu sababi karo dagaal ballaaran oo gobolka oo dhan saameeya.
GAROWE ONLINE