Wareeg cusub oo u bilowday wadahadalada Iran iyo Sacuudiga

Image
Wada-hadalladii ugu dambeeyey ayaa waxaa xaqiijiyey saddex ilo-wareedo oo ku dhow dowlada Ciraaq.

TEHRAN, Iran — Sacuudi Carabiya iyo Iran ayaa mar kale ku kulmay Ciraaq, sida ay maanta sheegeen ilo-wareedyo gudaha oo dhowr ah, ayada oo ay xoogeysteen wada-hadallada lagu qaboojinayo xiisadda ka dhex-oogan.

Iran iyo Sacuudiga, oo isaga soo horjeeda dagaalo dhowr ah oo ka s socda Bariga Dhexe, ayey wada-hadallada u billowdeen bishii April, markii ugu horreysay tan iyo markii ay xiriirka kala goosteen 2016.

Wada-hadallada oo ay marti-gelienyso Ciraaq oo isku dayeysa inay noqoto dhex-dhexaadiyaha gobolka, ayaa waxaa la billaabay intii uu xukunka hayey madaxweynihii hore ee Iran Hassan Rouhani, oo bishii August uu beddelay Ebrahim Raisi.

Wada-hadallada ayaa horseeday “horumar dhab ah” oo ku saabsan amniga Gacanka, waxaa sidaas sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Iran Saeed Khatibzadeh, 23-kii September.

Wada-hadalladii ugu dambeeyey ayaa waxaa xaqiijiyey saddex ilo-wareedo oo Ciraaqi ah, oo dhammaantood codsaday inaan la magacaabin.

“Sarkaal Iranian ah ayaa Baghdad kula kulmay sarkaal Sacuudi ah, kadib kulamadii ay horey u yeesheen labada dal,” waxaa sidaas yiri il-wareed la hadlay wakaaladda wararka AFP.

Sidoo kale sarkaal ka tirsan dowladda Ciraaq iyo il-wareed ku dhow dowladda ayaa xaqiijiyey kulanka, ayaga oo aan bixin faah-faahin.

Boqorka Sacuudi Carabiya Salman bin Abdulaziz, oo dhowaan khudbad u jeediyey Golaha Guud ee QM, ayaa sheegay inuu rajeynayo inay miro dhalaan wada-hadallada labada dhinac.

“Iran waa dal deris ah, waxaana rajeynayaa in wada-hadalladeena billowga ah ay hogaamin doonaan natiijooyin la taaban karo oo kalsooni lagu dhiso, oo ku dhisan xushmeynta qarannimada iyo faro-gelin la’aanta arrimaha gudaha,” ayuu yiri Boqor Salman.

AFP + VOA

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM