Wasiir ku dhow madaxweyne oo laga helay Covid-19

Image
Mas'uulkan ayaa ah qofka labaad ee ka tirsan wafdiga hogaamiyahan oo uu haleelay fayruska.

BRASILIA, Brazil - Wasiirka Caafimaadka Brazil, Marcelo Queiroga, ayaa laga helay COVID-19 kadib markii uu ka qeyb galay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York halkaas oo Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro uu ka ahaa hogaamiyaha kaliya ee aan laga talaalin safmarka ee kasoo muuqda.

Dowladda Brazil ayaa Talaadadii sheegtay in Queiroga, oo qaatay tallaalka COVID-19, uu yahay qofka labaad ee ka tirsan wafdiga Bolsonaro ee uu halaaley safmarka.

Queiroga wuxuu la joogay Bolsonaro, oo sanadkii hore ka badbaaday fayraska kadib dhowr dhacdo kana mid tahay kulan uu Isniintii la yeeshay Ra'iisul Wasaaraha UK, Boris Johnson.

Bolsonaro, oo aan la tallaalin, ayaa ku adkeysanaya in uu leeyahay unugyo ka difaacaya fayruska. Wuxuu aad uga xumaadey baaqyadda saraakiisha Qaramada Midoobay ee ahaa in looga baahan yahay caddeyn tallaal si uu kaga qeybgalo shir madaxeedka 76aad ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Madaxweynaha Brazil, oo ku adkeystay inuu noqon doono “muwaadinkii ugu dambeeyay” ee dalkiisa la tallaalo, ayaa buuq ka dhex abuuray baraha bulshada Axaddii ka dib markii sawir laga arkay isaga oo cunaya xabbad pizza ah waddada New York oo ay ku hareereysan yihiin dhowr ka mid ah wasiirada.

Wasiirka caafimaadka ayaa wuxuu ahaa qofka kaliya xiran maaskaro ee ku jira sawirka, hase ahaatee, waxaa aad loogu dhaleeceeyay in uu ka hooseeyay garkiisa.

Intii lagu guda jiray khudbadiisii ​​Talaadadii uu ka jeediyey shirka loo-dhan-yahay ee Qaramadda Midoobay, Bolsonaro ayaa carabka ku adkeeyay inuu taageersan yahay tallaalada hase ahaatee uu ka soo horjeedo in la waajibiyo. Wuxuu kaloo dhaleeceeyay xayiraadaha Coronavirus ee waxyeelleeya dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma Mehrdad Akhlaghi, wasiirka cusub ee difaaca Iiraan ee u hanjabay Mareykanka?

Sida laga soo xigtay warbixinta, 237 mudane oo baarlamaanka ka tirsan ayaa taageeray magacaabistiisa, halka 15 ay ka horyimaadeen.

  • Caalamka

    18-10-2026

  • 12:54PM

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM