Wasiir si qarsoodiya ciidan ugu soo diray Somalia oo dhintay
WASHINGTON, USA - Donald Rumsfeld oo laba jeer noqdey wasiirka gaashaandhiga Mareykanka ayaa Khamiista maanta ah wuxuu ku geeriyoodey magaaladca Taos ee gobolka New Mexico, sicda uu sheegay qoyskiisa.
War-saxaafadeed kasoo baxay qoyskiisa oo aan lagu carabaabin sababta dhabta ah ee keentay geeridiisa ayaa lagu sheegay in lix sano oo uu shaqo qaran hayey uu sameeyay taariikhyo "ay mudan tahay lagu xasuusto".
"Taariikhda ayaa laga yaabaa inay ku xasuusato waxqabadkiisii aan caadiga ahayn ee uu ugu shaqeynayey bulshada muddo lix sano ah," ayaa lagu yiri bayaanka oo lala wadaagay warbaahinta saacado kadib geerida.
Warka qoraalka ah ayaa intaas wuxuu ku darayaa: "Balse kuwa si fiican u yaqiinay iyo kuwa mudada dheer la noolaa ayaa si weyn u dareemi doona maqnaanshiyahiisa. Waxaan ku xasuusan doonnaa jacaylka aan kala go’a lahayn ee uu u qabay xaaskiisa Joyce, qoyskiisa iyo asxaabtiisa, iyo daacadnimada oo keentay in uu si wacan ugu shaqeeyo waddankiisa".
Kumuu ahaa Donald Rumsfeld?
Ka sokow in uu lasoo shaqeeyay madaxwayne George Bush, Rumsfeld ayaa lagu waramay in uu ahaa mas'uulkii ansixiyey in ciidamadda Mareykanka ay si qarsoodi ah ugu soo laabtaan Soomaaliya kadib Black Hawk Down.
Iyadda oo kahor ansixintiisa uu qalinka kusoo duugay Bush, go'aankaas uu Rumsfeld meelmaryey 2004-tii ayaa kusoo aaday xilli Soomaaliya ay dhexda kaga jirtay deganaanshiyo la'aan ka dhalatay colaadii 1991-dii.
Dhacdada Black Hawk Down ayaa galaafatay 18 askari Ameerikaan ah iyo boqolaal kale oo Soomaali ah. Dagaalkaas waxay askarta Mareykanka la galeen qabqablayaashii meesha ka saarey dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
Rumsfeld ayaa sidoo kale wuxuu kamid ahaa kooxdii ka dambeysay duulaankii Mareykanka ku qaadey Ciraaq kadib weeraradii daaraha mataanaha iyo ololaha la dagaalanka argagixisadda ee Washington ay hormuudka ka tahay.
Jawaabtiisii taariikhda gashay
Isaga oo ka jawaabaya warka dhimasha Bush aya ku qeexay "nin caqli badan, daacad ah, leh ku tamar aan la koobi karin" iyo "adeege ku dayasho mudan oo dawladeed" oo "aan marnaba ka leexan mas'uuliyadiisa"
Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka, Lloyd Austin ayaa dhanka kale yiri: "Xoghaye Rumsfeld ku suntan yahay tamar aan xadka laheyn, baaritaanka caqliga ku dhisan, iyo u hogaansanaanta u adeegida dalkiisa".
Xilli uu dhowr jeer ka dhawaajiyey in uu rajeynayo in lagu dhaliili dono go'aanada qaar uu qaatay, shirarka jaraa'id ee uu kasoo muuqdo waxay ahaayeen kuwa aad loo sugo maadaama uu ka dhawaajiyo hadalo cajiib ah.
Mid kamid ah kulan warbaahineedyadiisii taariikhda galay ayaa ahayd 2002-dii markii uu ku jawaabay "waxaa og cidda og" iyo "waa la og-yahay cida og" markii la waydiiyey in hubka dagaalka Ciraaq burbur xooggan sababay.
GAROWE ONLINE