Wasiirka Amniga Israa’iil oo dalbaday in Falastiiniyiinta laga celiyo in ay ku tukadaan Masjidka Al-Aqsa

Image
Go'aankan ayaa la soo jeediyay in uu dhaqan galo bisha Ramadaan.

Qasa (GO) - Wasiirka Amniga Israa’iil Itamar Ben Gvir ayaa ku baaqay in laga hortago in Falastiiniyiinta ay ku tukadaan Masjidka Al-Aqsa inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, oo curanaysa qiyaastii 3 toddobaad gudahood.

Wasiirka midiga-fog ayaa Sabtidii ku yiri akoonkiisa ee barta “X”, : “Ma xamili karno wax khatar ah. Dadka degan dhulka Falastiin waa in aan loo ogolaan in ay gudaha usoo galaan Israa’iil inta lagu jiro bisha Ramadaan”.

Ben Gvir ayaa raaciyay: "Haweenka iyo carruurtu Israa’iil maxaabiis kuma sii noqon karaan Qasa, mana yeeleyno in XMS ay dabaaldegyada guusha ku qabtaan Al-Aqsa.”

Hadalka Ben Gvir ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib markii taleefishinka Israa’iil uu ku dhawaaqay in wasiirku uu cadaadis saarayo si uu uga hortago Falastiiniyiinta inay galaan Al-Aqsa inta lagu jiro bisha Ramadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Trump oo Dalbadey Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize 

Aqalka Cad iyo Guddiga Abaalmarinta Nobel ee Norway ayaa ka gaabsaday in ay ka jawaabaan codsiyo warbaahinta ku saabsan warkan.

  • Caalamka

    18-08-2025

  • 06:16AM

Caasimadda dalka Yemen, Sanca ah oo La Duqeeyay - Fahfaahin

Dhinaca kale, Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa horey u qaaday weerarro cirka ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta.

  • Caalamka

    17-08-2025

  • 05:46AM