Wasiirka Difaaca Britain oo cambaareeyay hadal ka soo yeeray Netanyahu

Image
Wasiirka ayaa ku tilmaamay hadalka Netanyahu war niyad-jab ah.

London (GO) - Xoghayaha Difaaca Britain, Grant Shapps, ayaa Axaddii sheegay in hadalka Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku diiday “Qarannimada Falastiin” ay yihiin kuwo niyad-jab ah.

Shapps ayaa yiri, "Waa wax laga xumaado hadalka Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Britain waxay dooneysaa oo kaliya in la dejiyo khilaafka Israel iyo Falastiin oo ay noqdaan laba dal oo deris ah.”

Dhankiisa, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa carabka ku adkeeyay intii lagu guda jiray shir madaxeedka Isbaheysiga dhexdhexaadka ah (NAM) in qof kasta ay tahay inuu aqoonsado xaqa ay dadka Falastiiniyiinta u leeyihiin inay dhistaan ​​dawladooda.

"Tani waxay si aan xad lahayn u sii dheeraynaysaa iska horimaadka halista ku nabadda iyo ammaanka caalamka, taasoo uga sii dhiirigelin doonta xagjiriinta adduunka," ayuu raaaciyay Guterres.

Isbaheysiga dhexdhexaadka ah (NAM) ayaa bayaankoodii ugu dambeeyay, ku sheegay: “Isbaheysiga wuxuu si adag u cambaareeyay gardarrada milatariga Israel ee ka dhanka ah Marinka Gaza, wuxuuna ku baaqaya xabad joojin bini'aadantinimo oo joogto ah.”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ansixiyay heshiis taariikhi ah oo Sacuudiga u oggolaanaya inuu yeesho barnaamij nukliyeer

Heshiiska cusub, ayaa la filayaa in loo gudbiyo Kongareeska Mareykanka si dib u eegis loogu sameeyo.

  • Caalamka

    22-07-2026

  • 11:00AM

Dagaalka Iran oo Mareykanka ku kacay $37.5 bilyan, Pentagon-ka oo dalbaday lacag dheeraad ah

Qiyaastii $67 bilyan oo ka mid ah lacagtaas ayaa loogu talagalay howlgalada militariga Mareykanka ee Bariga Dhexe, sida uu sheegay madaxa Pentagon-ka.

  • Caalamka

    22-07-2026

  • 09:30AM