Wasiirkii hore ee batroolka Sacuudiga oo geeriyooday

Image
Image
Image

RIYADH, Saudi Arabia - Wasiirkii hore ee saliida Sacuudi Carabiya, ahaana mid kamud ah shaqsiyaadka ugu awooda badnaa dalkaas, Ahmed Zaki Yamani, ayaa ku dhintey da'da 90 jir Talaadada maanta ah, magaalada London, UK, sida uu qoray wargeyska Okaz Newspaper.

Marxuumka ayaa lagu aasi doonaa magaalada barakeysan ee Mecca ee Sacuudi Carabiya, ayuu sii raaciyay Okaz. Okaz waa wargeys maalinle ah oo laga leeyahay Sucuudi Carabiya.

Yamani wuxuu ka caawiyay Sacuudi Carabiya inay hesho joogitaanka ugu badan ee Ururka Wadamada dhoofiya Batroolka (OPEC).

Boqortooyadu weli waxay miisaan culus ku dhex-leedahay jaangoynta qiimaha warshadaha ee saliidda.

Yamani wuxuu noqday wasiirka saliida sanadkii 1962 wuxuuna hogaaminayay wasaarada ilaa 1986. Wuxuu kaalin muhiim ah ka qaatay ururkii taabogelinta OPEC dalalka reer Galbeedka isku dayayeen in ay ku gacan-sareeyaan suuqa.

Wakiilkii ugu horreeyay ee Sucuudiga ku metelay golaha guddoomiyeyaasha OPEC 1961 ayuu Yemeni ahaa. Sanadkii 1986, Boqorka Sacuudiga Fahd ayaa xilkii ka qaaday Yamani.

Yamani wuxuu ku dhashay magaalada Maka sanadkii 1930. Aabihiis iyo awoowgiis waxay ahaayeen macalimiin diineed iyo qareeno Islaami ah. Ugu dambeyntii wuxuu wax ku bartay jaamacadaha New York iyo Harvard. Labo jeer ayuu guursaday, wuxuu ifka kaga tagay caruur uu dhalay iyo qaar badan oo uu awoowe u ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM