Weerar lagu eedeeyay Xuutiyiinta oo khasaaro culus sababay

Image

SANCA, Yemen - Ugu yaraan 17 qof oo ay ku jirto gabar shan sano jir ah ayaa la dilay kadib markii gantaal ballistic ah lala beegsaday magaaladda Marib ee Yemen weerar ay dowlada ku eedeysay falaagada Xuutiyiinta.

"Gantaalka ayaa waxaa ka dhacay xarun shidaal oo ku taal xaafadda Rawdha," ayuu yiri Ali al-Ghulisi, oo ah xoghayaha saxaafadda ee barasaabka gobolka.

Wasiirka warfaafinta, Moammar al-Eryani, ayaa tibaaxay in weerarkii Axadii ay ku dhaawacmeen ugu yaraan shan kale dhaawacyada oo dhanna ay ahaayeen rayid.

Wuxuu sheegay in weerarka uu ahaa dambi dagaal. Xuutiyiinta waxay xuseen in kaliya ay weerareen xero militari. Sarkaal sare oo ka tirsan Xuutiyiinta, Mohammed Ali al-Houthi, ayaa sheegay in kooxdu ay soo dhaweyneyso baaritaan madax-bannaan oo lagu sameeyo khasaaraha shacabka.

Hadal ay soo saartay, Cathy Westley, oo ah sii hayaha safaarada Mareykanka, ayaa ku baaqday in la joojiyo rabshadaha ay "bini'aadanimada ka baxsan".

Danjiraha Ingiriiska u fadhiya Yemen, Michael Aron, ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in wada-shaqeyn dhab ah oo ay la leeyihiin Xuutiyiinta iyo dadaallada UN-ka ee lagu doonayo in xabad-joojin laga hirgeliyo dalka oo dhan ay “ka hortageyso khasaaraha noocan oo kale ah ee naxdinta leh”.

Yemen waxay ku jirtay dagaal sokeeye tan iyo 2014, markii Xuutiyiinta ay isku sii fidayeen inta badan woqooyiga ayna qabsadeen caasimada Sanca, taas oo ku qasabtay dowlada uu caalamku aqoonsan yahay in la masaafuriyo.

Isbaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga ayaa waxaa dagaalka soo galay sanadkii xigay dhanka dowlada. Dagaalku wuxuu dilay in ka badan 130,000 oo qof wuxuuna dhaliyay dhibaatada bani’aadamnimo ee ugu xun adduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM