Weerar lagu qaadey masjid oo si adag loo cambaareeyay

Image
Image
Image
Image
Image
Booliska oo sheegay in aysan muujin caddeyn tusinaya in falka salka ku hayay naceyb ayaa bilaabay baaritaan.

TORONTO, Canada - Mas'uuliyiinta ayaa baaraya bur-burin loo geystay Xarunta Islaamiga ah ee Baitul Jannah oo ku taal Scarborough, Toronto, in kasta oo boolisku sheegey in aysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in uu ahaa weerar nacayb ku salaysan, sida ay CBC werisay.

Weerarkan ayaa la ogaaday goor hore oo Axaddii ah iyadoo la jajabiyay sanduuqyadii deeq uruurinta iyo alaabo kale, oo ay ku jiraan nuqulo ka mid ah Quraanka oo la helay ayaga oo dhulka ku daadsan.

Waxaa sidoo kale la xaday nidaam duubista muuqaaladda Masjidka, sida booliska Toronto xusay. Lama ogga haddii ay qaateen kooxihii soo qaadey weerarkan.

Guddoomiyaha masaajidka, Atiqur Rahman, ayaa u sheegay Global News in dhacdooyinka burburinta iyo gelidda masaajidda ay noqdeen kuwa soo noqnoqda sannadihii la soo dhaafay.

"Waxaan u malaynayaa inay tahay Islaam -nacayb, ama [uu ka dambeeyo falalkan soo laab-laabtey siina kordhaya sanadihii ugu dambeeyay] qof aan na jeclayn," ayuu yiri.

Ra'iisul wasaaraha Kanada Justin Trudeau ayaa bartiisa bartiisa gaarka ah ee mareegga Twitter-ka ku cambaareeyay nacaybka ka dhanka ah Muslimiinta kadib dhacdada.

"Aad baan uga xumahay kharribaadda lala beegsanayo Xarunta Islaamiga ah ee Baitul Jannah ee Toronto. Islaam-nacaybka boos ugama banaana Kanada waxaanan sii wadi doonnaa tallaabooyinka aan ku dareensiineyno bulshooyinkayaga inay ammaan helaan," ayuu hoggaamiyuhu qoray.

Mudanaha Scarborough, Doly Begum, ayaa dhaleeceeyay sida dowladda u maareyso weerarada joogtada ah waxayna ku baaqday in si deg deg ah wax looga qabto nacaybka ka dhanka ah Muslimiinta.

"Qof walba wuxuu u qalmaa inuu helo meel aamin ah oo muqaddas ah si uu ugu dhaqmo caqiidadiisa, falalkan waa wax aan la aqbali karin waana in la joojiyaa," ayay ku qortay barteeda twitter -ka.

Begum ayaa raacisay: "Tani ma aha dhacdo gooni gooni u ah Baitul Jannah oo ugu yaraan saddex jeer la beegsaday. Hase yeeshee, wax tallaabo ah lama qaadin si baaritaanku u sii socdo ama wax looga qabto dambiyadda nacaybka ee sii kordhaya ee bulshooyinkeennu wajahayaan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Norway: Gabdho Soomaali ah oo xukun adag lagu riday

Labada gabdhood, oo racfaan ka qaadan kara xukunka, ayaa ahaa dulucda buug ay qortay qoraaga reer Norway ee Asne Seierstad.

  • Caalamka

    25-01-2025

  • 05:28AM

Trump oo Dib Ugu Celiyey Xuutiyiinta Yemen Liiska Argagixisada

Trump wuxuu meesha ka saaray go’aankii hore ee Biden oo ka qaaday…

  • Caalamka

    23-01-2025

  • 01:20PM