Weerarada Iran ee xarumaha CIA-da oo dhaliyay su’aalo ku saabsan doorka suurtagalka ah ee Ruushka

Image

Warbixinno cusub ayaa sheegaya in sirdoonka Mareykanka uu baaritaan ku hayo suuragalnimada in Ruushka uu ka caawiyay Iran xog bartilmaameed ama tiknoolajiyad horumarsan oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ah, kuwaas oo loo adeegsaday weerarrada lagu qaaday xarumo ay leedahay hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ee Bariga Dhexe.

Sida ay sheegeen afar qof oo xog-ogaal u ah arrimaha sirdoonka Mareykanka, saraakiisha sirdoonku weli ma aysan gaarin go’aan rasmi ah oo cad oo ku saabsan in Ruushku si toos ah uga qeyb qaatay weerarrada, balse waxay baarayaan suurtagalnimadaas, iyagoo tixraacaya saxnaanta weerarrada iyo taageerada farsamo ee Moscow ay hore ugu fidisay Tehran.

Warbaahinta Reuters iyo ilo kale ayaa hore u sheegay in Ruushku uu Iran siiyay taageero dhinaca xogta bartilmaameedyada iyo arrimo kale oo la xiriira weerarrada lagu qaaday bartilmaameedyo Mareykan ah oo ku yaalla gobolka Khaliijka.

Ugu yaraan laba xarumood oo CIA ah ayaa la sheegay in la weeraray bishii Maarso. Mid ka mid ah xarumahaas ayaa ahaa saldhigga CIA ee ku yaalla gudaha Safaaradda Mareykanka ee Riyadh, Sacuudiga, halka xarun kale lagu sheegay inay ku taallo bariga Ciraaq.

Qaar ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in xarumo kale oo CIA ah sidoo kale la beegsaday, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Xog sirdoon oo tilmaamaysa kaalinta Ruushka

Mid ka mid ah dukumenti gudaha ah oo ay diyaarisay hay’ad sirdoon reer Galbeed ah ayaa lagu sheegay in Ruushka ay u badan tahay inuu door ku lahaa bartilmaameedsiga xarumaha CIA-da ee gobolka, sida uu sheegay mas’uul ka tirsan gobolka oo arkay dukumentigaas.

Sidoo kale, laba mas’uul oo reer Galbeed ah oo ku sugan Khaliijka ayaa sheegay in falanqeeyayaasha sirdoonku ay rumeysan yihiin in weerarkii lagu qaaday Sacuudiga loo adeegsaday laba diyaaradood oo nooca Shahed ah oo Iran leedahay, kuwaas oo lagu sameeyay wax-ka-beddello farsamo oo Ruushku gacan ka geystay.

Sida ay sheegeen saraakiishaas, mid ka mid ah diyaaradaha ayaa daloolisay meel nugul oo ka mid ah dhismaha safaaradda, halka diyaaraddii labaad ay ka gudubtay daloolkaas oo ay qaraxday gudaha. Lama soo sheegin wax dhimasho ama dhaawac ah oo ka dhashay weerarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraakiibta shidaalka Sacuudiga oo lagu weeraray Badda Cas

Kooxda Xuutiyiinta, oo sidoo kale loo yaqaan Ansar Allah, ayaa 20-kii Luulyo ku dhawaaqday xannibaad badeed ka dhan ah Sacuudiga.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 09:18AM

Midowga Yurub oo ka digay in Caqliga Macmalka ah (AI) loo adeegsan karo hub siyaasadeed

Si loo yareeyo ku tiirsanaanta tiknoolojiyadda shisheeye, Midowga Yurub ayaa bilaabay qorshe lagu xoojinayo madaxbannaanida tiknoolojiyadda.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 07:56AM