Xaaska hogaamiye la dilay oo isu soo sharaxeysa madaxtinimo

Image
Martine Moise ayaa dhaawac culus uu kasoo gaarey weerarka lagu khaarijiyey seygeedda. [Photo: AFP]

PORT-AU-PRINCE, Haiti - Xaaska madaxweynihii la dilay ee Haiti, oo si xun ugu dhaawacantay weerarka lagu dilay seygeeda, ayaa waaya-aragnimo argagax kala kulantey weerarka, sida ay ku sheegtey wareysigeedii ugu horreeyay tan iyo khaarijinta.

Gacan-ku-dhiiglayaashu waxay aakhirkii heleen waxay u raadinayeen guriga Madaxweyne Jovenel Moise, "waxayna sameeyeen dadaalo habaar ah markay u soo baxeen si ay u arkaan in Marwada Koowaad Martine Moise ay weli nooshahay".

"Markii ay tageen, waxay u maleeyeen inaan dhintay," ayay ugu sheegtay New York Times wareysi la daabacay Jimcihii, toddobaadyo ka dib dilkii 7 -da Luulyo oo xasarad cusub ku soo rogay dalkan jilicsan ee ku yaala Kariibiyaanka.

Way ka badbaaday weerarka waxaana degdeg loogu loola cararay Maraykanka si daweeyo halkaas oo ay kula hadashay wargeyska iyada oo ay dhinac taagnaayeen ilaalada, diblomaasiyiinta iyo qoyskeeda.

Martine ayaa la yaaban waxa ku dhacay 30 ilaa 50 nin oo hoygooda loo dejiyey si ay ninkeeda ugu ilaaliyaan guriga. Mid ka mid ah ilaaladaas lama dilin xitaa lama dhaawacmin. "Kaliya calooshood-u-shaqeystayaal ayaa sidaas sameyn kara," ayuu tibaaxay.

Booliiska Haiti ayaa xiray madaxii amniga Jovenel Moise, iyo sidoo kale illaa 20 calooshood-u-shaqeystayaal Colombia ah. Weerarka waxaa la sheegay "inay soo abaabuleen koox Haiti ah oo xiriir dibadeed leh".

Jovenel Moise wuxuu digreeto ku xukumi jiray ummad sabool ah oo masiibo ku habsatay, iyadoo rabshadaha ay cirka sii gelisay kororka kiisaska COVID-19 oo si weyn ugu faafay waddankaas.

"Gacan-ku-dhiiglayaashu waxay ku hadlayeen keliya Isbaanish - luuqadaha Haitina waa Creole iyo Faransiis - waxayna taleefan kula xiriiraayeen qof markii ay weerarka fulinayeen," ayay tibaaxeen.

Martine Moise ayaa dooneysa "in gacan-ku-dhiiglayaashu ay wajahaan cadaaladda ayna caddeeyaan cidda soo dirtey". Haweenaydaan waxay muujisay in ay suurtagal tahay in ay u tartanto xilka madaxtinimadda "isla marka ay caafimaad soo hesho".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM