Xaaska hogaamiyihii la dilay ee Haiti oo bixisay tafaasiil

Image

NEW YORK, USA - Xaaska madaxweynaha Haiti ee la dilay Jovenel Moise ayaa hadashay markii ugu horreysay tan iyo markii dabley hubeysan ay weerareen guriga lamaanaha oo ku yaal Port-au-Prince, iyadoo sheegtay in weerarka lagu dilay saygeeda uu u dhacay "ayada oo arkeyso".

Farriin maqal ah oo ay soo dhigtay barteeda rasmiga ah ee Twitter Sabtidii, Martine Moise, ayaa ugu baaqday dadweynaha Haiti in aysan "waddada ka lumin" ka dib weerarkii dhaawaca daran u geystay.

"Waan noolahay, mahadsanidiin," ayay Martine Moise ku tiri farriinta codka, taas oo wasiirka dhaqanka iyo isgaarsiinta Haiti, Pradel Henriquez, uu u xaqiijiyey wakaaladda wararka ee AFP inuu yahay mid sax ah. "Waan noolahay laakiin waxaan waayey ninkayga Jovenel," ayay raacisay.

Jovenel Moise, oo 53 jir ah, waxaa dilay dabley hubaysan saacadihii hore ee Arbacada sida ay masuuliinta Haiti sheegeen "weerar si heer sare ah loo agaasimay oo ay soo qaadeen koox aad u tababaran aadna u hubeysan".

Dowladda Haiti ayaa ku dhawaaqday 15-maalmood "oo xaalad baroor-diiq ah" wax yar kadib markii dilkaas uu dhacay, ayadda oo ballan-qaaday in ay sharciga horkeeni doono dambiilayaasha.

Masuuliyiinta Haiti waxay sheegeen in kumaandoos hubaysan oo ka koobnaa 28 nin - 26 reer Kolombiya ah iyo laba Haiti-Mareykan ah - ay soo galeen oo rasaas ku fureen lamaanahan gurigooda. Toddoba iyo toban qof ayaa illaa hadda la qabtay ugu yaraan saddex tuhmane ayaa la dilay, laakiin ujeeddo lama shaacin.

Martine Moise ayaa loo qaaday isbitaal ku yaal Haiti weerarka kadib waxaana markii dambe loo daad gureeyay magaalada Miami ee gobolka Florida si loogu daweeyo.

"Qurux yar ka dib, calooshood u shaqeystayaashu waxay soo galeen gurigeyga waxayna ninkayga ku fureen rasaas… iyagoon xitaa fursad siinin inuu eray dhaho," ayay ku tiri fariinta codka.

Calooshood u shaqeystayaasha ayay tibaaxdey ay u khaarijiyeen ninkeeda sababo la xirira “dariiqyada, biyaha, korantada iyo aftida iyo sidoo kale doorashooyinka dhamaadka sanadka si aysan u dhicin kala guur dalka".

Jovenel Moise ayaa xilka madaxweynenimo qabtey sanadkii 2017 iyadoo ay sii kordhayaan rabshadaha kooxaha gaangiska ah ee barakiciyey kumanaan dad ah guud ahaan caasimada Haiti, Port-au-Prince. Toddobaadyadii la soo dhaafay, waxaa si lamid ah la dilay wariyeyaal badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Israel u Weerartey Suuriya Gaar Ahaan Magaalada Dimishiq?

Weerarkan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada dowladda Suuriya galeen gobolka…

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 09:18PM

Masar oo Soo Dhawaysay Balanqaadka Trump ee xalinta Khilaafka Webiga Nile

Madaxweynuhu wuxuu si kulul u dhaliilay mashruuca biyo-xireenka Itoobiya, isagoo xusay in uu xannibayo biyihii webiga Nile.

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 06:51AM