Xaaska madaxweynaha Suuriya wajahaysa baaris culus

Image

LONDON, UK – Booliska Ingiriiska ayaa furay baaritaan ku saabsan eedeymaha sheegaya in Asma al-Assad, oo ah xaaska madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad, ay ku lug-leedahay dhiiragelinta falalka “argagixisada” gudaha waddanka Syria.

Asma oo heysata dhalashada Ingiriiska iyo Siiriya ayaa laga yaabaa in lagala noqdo muwaadinimada UK hadii lagu helo dambiga, sida ay sheegtay warbaahinta.

Booliska Metropolitan-ka ayaa Axadii u sheegay Tv-ga Sky News inay "heleen horusocod" bishii Luulyo ee sanadkii hore "oo la xiriirta dagaalada Suuriya".

Qoraal kasoo baxay taliska bileyska UK ayaa lagu caddeeyay in ay qiimeynayaan saraakiil ka tirsan qeybta dambiyada dagaalka, ayaa lagu yiri qoraalka.

Kiiska ka dhanka ah al-Assad waxaa gudbiyey Guernica 37, oo ah sharikad caalami ah oo ka shaqeysa cadaaladda goobaha ay ka jiraan khilaafaadka iyo "dacwadaha meelaha ka baxsan xuduudaha si lamid ah ilaalinta xuquuqda aas-aasiga ah".

"Tani waa tallaabo muhiim ah oo lagula xisaabtamayo mas'uuliyiinta sarsare ee siyaasadeed falalkooda iyo in la hubiyo in dowlad, iyadoo loo marayo hanaan sharci oo madax-bannaan oo aan eex lahayn, ay mas'uul ka tahay ficillada muwaaddiniinteeda," ayay Guernica 37 ku tiri hadal ay soo dhigtay barteeda.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Maaddaama [ay] tahay muwaadin Ingiriis ah, waxaa muhiim ah in ay wajahdo xukun haddii caddeymuhu ay taageeraan eedeynta oo aan kaliya laga qaadin muwaadinnimadeeda. Tani waa geedi socod muhiim ah oo kaliya waa sax in cadaalada la horgeeyo maxkamada Ingriiska".

Toby Cadman, oo ah aasaasaha Guernica 37, ayaa u sheegay Al Jazeera in marwada koowaad ee Syria ay ka qeyb qaadatay dambiyada, isaga oo rajeeyay in booliska ay si daahfuran baaritaanka ugu sameyn doonan xaaska hogaamiyaha taliska Baashaar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM