Xabsiyada Ecuador oo lagu soo rogay xaalad deg-deg ah
QUITO, Ecuador - Madaxweynaha Ecuador, Guillermo Lasso, ayaa wuxuu xaalad degdeg ah kusoo rogay xabsiyada dalkaas kadib markii ay dhaceen iska hor imaadyo dhimasho iyo dhaawac sababay.
Isku-dhacyaddaas oo dhexmaray xubno burcad ah oo ku jiray xabsi xeebeed ayaa horseeday in ay ku dhintaan ugu yaraan 116 qof 80 kalena ku dhaawacmeen.
Saraakiisha ayaa sheegay in ugu yaraan shan ka mid ah dadka dhintay la helay ayaga oo qoorta looga gooyay rabshadihii ka dhacay xabsiga Litoral ee Guayaquil Talaadadii, taas oo mas'uuliyiintu ay ku tilmaameen inuu ahaa kii ugu xumaa ee dhiiga ugu badan uu ku daatay xabsiyada dalka.
Lasso ayaa wuxuu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah Arbacadii goor dambe. Wareegtadan waxay siinaysaa dawladda awoodo ay ka mid tahay in boolis iyo askar la geeyo gudaha xabsiyada.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id, Lasso ayaa shaaca ka dhigay in uusan dammaanad qaadi karin in mas'uuliyiintu ay dib ula wareegeen gacan ku haynta xabsiga.
"Waa wax laga xumaado in xabsiyada loo beddelo dhulal ay ku muransan yihiin awoodda kooxaha burcadda ah," ayuu yiri, isagoo raaciyay inuu ku dhaqmi doono "si buuxda" si uu mar kale gacanta ugu soo dhigo xabsiga Litoral oo uu uga hortago in rabshaduhu ku fidaan xabsiyada kale.
Bishii Luulyo, madaxweynuhu wuxuu soo rogay xaalad kale oo degdeg ah oo ku jirta xabsiyada kadib markii dhowr dhacdo oo rabshado sababay oo lagu dilay in ka badan 100 maxbuus.
Dhimashadaas ayaa waxay ka dhacday xabsiyo kala duwan oo ma ahan hal xarun sida dilalkii Talaadada. Ugu yaraan 22 ayaa lagu dilay xabsiga Litoral.
Ecuador ayaa leh 65 jeel oo loogu talagalay ilaa 30,000 oo maxbuus - laakiin tirada dhabta ah ee xabsiyada dalka ayaa ka badan 39,000 taasoo sabab looga dhigay isku-dhacyada iyo dhimashadda badan.
GAROWE ONLINE