Xamaas iyo Yahuuda oo ku dhawaaqay xabadjoojin

Image

GAZA, Falastiin - Xabad-joojin ayaa waxaa lagu waddaa in saacado gudahooda ay kaga dhaqan-gasho magaalada Gaza ee dhulka la haysto ee Falastiin ka gedaal markii Israel ay ogolaatay muddo 11 maalmood oo hubka ka caagan.

Talaabadan ayaa waxay ka dambeysay kadib markii maamulka Yahuuda ay kala kulmeen cadaadis caalami ah markii duqeymo aan kala joogsi lahayn ay ku dishay boqolaal Falastiiniyiin ah.

Ururka Xamaas ayaa wuxuu tilmaamay in rasaas joojinta ay mar qura wada bilaaban doonto. Masar ayaa sidoo kale loo xilsaarey in ay kormeerto fulinta xabadjoojinta.

In ka badan 90,000 oo qof oo ku nool Qaza ayaa barakacay 11-kii maalmood ee la soo dhaafay sababo la xiriira duqeymaha Israaiil, sida uu sheegay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada ee dhulka la haysto ee Falastiin.

"Colaaduhu waxay sidoo kale keeneen barakac dheeraad ah oo Falastiiniyiinta ah, taasoo ka dhigeysa tirada guud ee dadka gudaha ku barokacay (IDPs) ilaa 91,000, oo ay ku jiraan 66,000 oo gabaadsanaya 58 iskuul oo hoostaga Howlgalka UN-ka ee Gaza ee ku yaala Gaza iyo in ka badan 25,000 oo la jooga qoysaska martida loo yahay," ayay tiri.

Wasaaradda Caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 232 qof ay ku dhinteen ololaha militariga Israa’iil, oo ay ku jiraan 65 carruur ah. Tirada dhaawaca waa in ka badan 1,900.

"Haddii dunida ay cadaab ka jirto waa tan ay ku nool yihiin caruurta Gaza," ayuu yiri xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay xilli uu maanta ka hadlay shir golaha guud ee UN-ka ka yeeshay xaalada Falastiin.

António Guterres ayaa cod dheer wuxuu ugu waaniyey Yahuuda in ay joojiso duqeymaha iyo dhul-boobka ay kawado Palestinian una hogaansanto shuruucda caalamka ee arrimaha xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM