Xamaas oo la wareegtay goobo ay faarujiyeen ciidamada Yahuuda

Image
Tani ayaa waxa ay soo dadajisay in garabka siyaasadda koxoda uu dib uga howlgalo goobahan.

DOOXA, Qadar - Laba sarkaal oo sare oo ka tirsan laamaha ammaanka Israa’iil ayaa sheegay in milatarigu lagu wargeliyay in hoggaanka siyaasadda Xamaas ay bilaabeen soo celinta awooddooda maamul ee Gaza, sida ay sheegtay warbaahintu.

Warbaahinta dadweynaha ee KAN ayaa sheegtay in labada mas’uul oo aan magacyadooda la xusin, ay sheegeen in Xamaas ay dib u qabsatay goobahan oo ay faarujiyeen ciidamadda Yahuuda.

Sida xogta muujineyso, hogaanka siyaasadda kooxda Xamaas ayaa dhawaan waxay bilaabeen inay u adeegaan shacabka ku dhaqan gobolada dhexe iyo kuwa waqooyi.

Intaa waxaa dheer, waxaa jira guddiyo degdeg ah oo ay sameeyeen kooxda iska caabinta Falastiiniyiinta oo sidoo kale ka barbar shaqeeya degmooyinka, ayay saraakiishu ku dareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM